Cabidda Sigaarka, ayaa kaalin toos ah ku leh in qofka uu ku dhaco xanuun maskaxda ah oo la yiraahdo (schizophrenia).
Xanuunka schizophrenia, waa mid maskaxda ku dhaca oo waqti dheer haya qofka, waana nooc keena in uu shaqayn waayo xiriirka ka dhaxeeya fakarka, dareenka iyo dabeecadda qofka, horseedana faham qaldan.
Cilmibaarayaasha, ayaa codsanaya in loo baahan yahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo sida sigaarka u sababo cudurkan.
Koox ka socota machadka (King’s College) ee magaalada London, ayaa sheegay in dadka caba sigaarka ay u badan yihiin in uu ku dhaco xanuunkan iyaga oo da’dooda ay yar tahay.
Waxaa lagu soo daabacay joornaalka caafimaadka maskaxda ee Lancet Psychiatry, waxay eegeen 61 daraasaad oo gaar gaar ah, oo muujinayay in maadada nicotine-ka ee ku jirta sigaarka ay dhici karto in ay maskaxda wax ka badasho.
Khuburada ayaa sheegay “in kiiskan uu adag yahay” balse, loo baahan yahay baaritaano kale.
Cabidda sigaarka waxa aad loola xiriirin jiray xanuunta maxkaxda ee aad u waxyeeleeya fakarka iyo xusuusta qofka, balse inta badan waxaa la aaminsanaa bukaanada qaba schizophrenia, ay u badan yihiin in ay isticmaalaan sigaarka, sabatana ay tahay in sigaarka uu yahay qaab ay isku daweyn karaan, si ay isaga yareeyaan culeyska walbahaarka uu ku hayo, iyagoo maqla codad kale ama wax ay u sawirmaan.
Kooxda Machadka King’s ayaa eegtay macluumaad quseeya 14,555 oo sigaar cabayaal ah iyo 273,162 qof oo aan cabin sigaarka.
Waxa ay tilmaamayaan:
- 57% waxay ahaayeen dad qabay xanuunka psychosis, horay ayayna sigaarka u cabayeen markii ugu horaysay ee uu xanuunku qabto.
- Dadka maalin walba caba sigaarka ayaa laba jeer ka badan kuwa sigaarka caba uu halis ugu jiro in uu ku dhaco xanuunka maskaxda ee schizophrenia.
- Dadka caba sigaarka ee uu ku dhaco schizophrenia, waxa uu ku dhacaa celcelis ahaan sanad ka hor.
Doodda, ayaa ah in uu jiro iyo in kale heer sareeya oo sigaar cabid oo ka horeeya inta aan qofka laga dawayn xanuunka schizophrenia, marka cabidda sigaarka ma aha mid iska ah xaalad dawo laga dhigan karo.
Waxaa cad inta badan sigaar cabayaashu kuma dhaco xanuunka, balse cilmi baarayaasha ayaa aaminsan in ay cabidda sigaarka sii kordhin karto qatarta xanuunka.
Guud ahaan qaadidda xanuunka ayaa ah hal qof oo ka mid ah 100-kii qof ee kasta oo caadi ah, taasoo laga dhigi karo laba qof oo ka mid ah 100-kii qof ee sigaarka cabta.