Waa Maxay Sababta Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga?

0
719

Kooxo saynisyahano ah ayaa ugu dambayntii ku guulaystay inay ka jawaabaan halxidhaalaha ah sababta ay dumarku uga cimri dheer yihiin ragga,kadib markii ay in muddo ah soo wadeen daraasado ay ku baadhayeen sababta.
Ragga ayaa la sheegay sida lagu xusay tajiida daraadan inay inta ugu badan u dhintaan xanuuno ay keenaan waxyaalaha ay isticmaalaan oo ay dumarka kaga badan yihin,gaar ahaana sida Sigaarka,Daroogooyinka iyo waxyaalo kale oo badan.
Waxa kale oo ay sheegeen khubaradani inay raggu ka wadne xanuun badan yihin dumarka ,kuwaas oo ay ka qaadaan waxyaalaha kala duwan ee Daroogooyinka ah ee ay isticmaalayaan.
Khubaradan oo ka socday jaamacadda Southern California University  iyo dugsiga la mataanka ah ee Davis School ayaa sheegay in dadkii ugu caafimaadka wanaagsanaa ay ahaayeen dadka noloshoodu kasoo bilaabantay sannadaha 1800 iyo 1935 kii,kuwaas oo la odhan karo ayay yidhaahdeen waa 13 qarni ee horumarka.
Khubaradan oo eegaayey da’da 40 sanno ayaa sheegay inay heleen dad dhashay sannadkii 1880 kii,kuwaas oo ah kuwo dumar u badan ,aadna uga caafimaad badan kuwa ka dambeeyey ee sannadihii ugu dambeeyey dhashay,kuwaas oo u badan kuwo heerkooda caafimaad uu ka hooseeyo kuwa hore 70%,gaar ahaana dumarka.
Waxaanay khubaradani ku sababeeyeen in ay sababtu tahay iyada oo ay ragga inta badan dhibaato kasoo gaadho cabitaanka Sigaarka iyo waxyaalaha Daroogooyinka ah oo dhibaato balaadhan u keena,taas oo keenta inay u dhintaan ,iyaga oo ku dhimanaaya da’ahaan 40 sanno.
Khubaradan ayaa sheegay in xanuunada dhiig karta iyo subagowgu ay yihiin kuwo ka yimaada inta badan cabitaanka Sigaarka,kuwaas oo ah kuwo khatar ah,waxa kale oo ay sheegeen in waxyaalaha aadka uga sii khatarta badani uu kamid yahay wadne xanuunka oo isna faro baas ku haya ayay yidhaahdeen ragga ,dumarkana aad ugu yar,kaas oo isna keena dhimasho badan,waxaanay sheegeen khubaradani inay aaminsan yihiin inuu isagu waxyaalo badan oo khatar ah keeno.
Khubaradan ayaa sheegay in 30% ay kala duwan yihiin dhinaca dhibashada ragga iyo dumarku,kuwaas oo uu farqi weyni u dhaxeeyo sannadihii ugu dambeeyey iyo sannadkii 1890 oo kale.
Daraasado hore loo sameeyey ayaa tilmaamaaya in sannad walba wadanka Maraykanka ay gaadhaan dadka wadne xanuunka u dhintaa 610,000 oo qof,kuwaas oo afartii qof ee dhintaba ay saddex u dhintaan xanuunkaasi ,sida ay sheegtay xarunta lagu magcaabo US Centers for Disease Control and Prevention (CDC),waxaanay xustay inuu wadne xanuunku yahay ka ugu weyn ee dadka laaya wadankaasi.
Qaaradda Yurub ayaa sidoo kale wadne xanuunka iyo unugyada Dhiiga oo xidhma waxa u dhinta dad gaadhaaya Afar million oo qor,kuwaas oo tirada dhimashada ka noqonaaya 47%,sida ay cadaysay hay’ada lagu magcaabo Europe Society of Cardiology,waxaanu sheegay ururkani in kharasha ku baxa la tacaalida xanuunadani qaaradda Yurub ay ku baxdo lacag dhan 196 Billion euros sannadkii.
 
 

Leave a Reply