Nin Hindi Ah Oo Saacado Badan Oo Bahal Eryanaayey Ul Ku Badbaadey

0
401

Nin u dhashay dalkaasi Hindiya ayaa saacado badan oo bahal eryanaayey ku badbaadey ul uu meel cidla ah ka helay, kadib markii uu soo weeraray bahalka Butida loo yaqaanaa, kaas oo naftiisa halis geliyey.
Ninkan ayaa ah nin ku nool magaalada la yidhaahdo Aatarsa, taas oo caan ku ah butida bahalkaasi loo yaqaano,  waxaanu meel kaymo ah kaga soo baxay isaga oo socda, taas oo keentay inuu eryado oo ay ku qaadato inuu ka badbaadaa muddo saacaddo ah, waxaanay dhacdadani dhacday maalintii Axadii bishu ahayd 5.
Ninkan ayaa miciin biday ul wadada dhinaceeda taaley iyo dhagxaan ,taas oo uu la dhacay bahalkaasi ,waxaanay soo gaadhsiisay dhaawacyo badan,waxaanay markii dambe keentay inuu gubo bahalkan oo lasoo gaadhey daba socdkiisii magaaladii.
Xili uu gurigiisa soo galay ayuu maqlay cida bahalkaasi, taas oo keentay inuu qori dab ah qaato ,kadibna uu gubo bahalkan eryanaayey mudada ee ay dhaawacyada is gaadhsiiyeen.
Waxaana dilka xayawaankan ka caawiyey ninkaasi dadka magaalada oo ay xayawaanada noocaas oo kale ahi dhibaato ba’an ku hayaan, iyaga oo maalin walba qof waxyeelo soo gaadhsiiya.
Sheekadan ayaa warbaahinta guddaha ee wadankaasi Hindiya aad usoo qaadatay,taas oo noqotay sheekada  ugu xiisaha badnayd,waxaana la helay muqaalo muujinaaya bahalkaas oo wadada weyn ninka daba socda,taas oo laga helay kamaradaha wadooyinka lagu xidho ee baaburta lagula socdo.

Leave a Reply