Arday Reer Somaliland Ah Oo Ku Guulaystay Tartanka Qur’aanka Kariimka Adduunka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

0
570

Hargeysa (Dawan):- Arday 12 jir ah oo u dhashay Jamhuuriyada Somaliland oo ku guulaysatay kaalinta koowaad ee tartanka Qur’aanka kariimka Adduunka oo ka dhacay dalka Sacuudi Arabiya ayaa shalay lagu soo madaarka caalamiga ah ee cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
 
Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo ah wiil 12-jir ah, waxna ka barta madarasada Daarul Huda oo ku taala magaalada Hargeysa ayaa kaalinta koowaad u galay tartanka caalamiga ah ee xifdiga qur’aanka kariimka ah ee magaciisa la yidhaahdo Al-maahir Bil Qur’aan oo siddeedii sannadood ee ugu dambeeyey lagu qabanayey Magaalada Jiddah ee dalka sucuudiga.
 
Tartankan uu kaalinta koowaad u galay  Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa waxa ka qayb-galay soddon arday oo ka kala socday shan iyo toban dawladood waxaana uu socday muddo shan cisho ah iyadoo ay tartankan maal-galisay amaba ay qabatay haayada caalamiga ah ee xifdiga ur’aanka kariimka.
 
Soo dhaweynta ardaygan kaalinta heerka caalami galay ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, wasiirk Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye ,Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Masuuliyiin ka socotay Haayada xifdiga Qur’aanka kariimka, waalidka dhalay ardayga, Maamulka iyo Macalimiinta Madarasada uu dhigto iyo marti-sharaf kale.
 
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Xariir Faarax Ducaale oo ah macalinka ardaygan isla-markaana goob-jooga ka ahaa tartankan uu galay cabdirisaaq waxa uu ka waramay tartankan iyo qaabkii uu u dhacay isagoo xusay in tartankani uu ahaa dhawr qaybood oo midkood loo qabtay ardayda toban jirka iyo wixii ka yar kaas oo ah ka uu ku guulaystay Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:-“waxaan kalmad kooban ka sheegayaa tartankii aanu tagnay ee uu kaalinta koowaad ka soo galay Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ,dawladaha ka soo qayb-galay, muddadii uu socday iyo ardaydii ka soo qayb-galay ,tartankaasi waxa uu ahaa tartan la yidhaahdo Al-maahir Bil Qur,aan oo laba qaybood u qaybsama qayb ardayda yar yar ee toban jirka iyo wixii ka sii yar loo qabto oo ah tartanka Cabdirisaaq uu kaalinta koowaad ka galay, waxaana ka soo qayb-galay shan iyo toban dawladood tirada ardayda ka qayb-gashay waxa ay ahaayeen soddon arday, waxaana uu socday shan maalmood waxaana maalgalisay haayada la yidhaahdo haayada Xifdiga Qur,aanka Kariimka ah”.
 
Khadar Xuseen oo ku hadlayey afka haayadii dirtay ardaygan kana wakiil ah haayada Xifdiga Qur,aanka Kariimka ah ee tartankan maalgalisay ayaa bogaadiyey guusha uu ardaygani gaadhay waxaana uu xusay in ardaygani uu kaalinta koowaad hore ugu galay arday xul ahayd oo tartan loogu qabtay magaalada Hargeysa waxa uu ugu duceeyey in ILLAAHAY ka dhigo kii kor u qaada qur,aanka kariimka ah.”
 
Maxamuud Xirsi oo ah aabaha dhalay cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo isna cabiray dareenkiisa ayaa tilmaamay in qiiro iyo muxubo waalidnimo awgii aanu uba hadli Karin balse uu mahadnaq u dirayo dhamaaba Masuuliyiinta , Salaadiinta iyo marti sharafka qiimaha badan ee soo sharfay inankiisa.
 
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartanku noocyo badan yahay balse tartanka ugu qiimaha badan uu yahay tartanka loo galo qur,aanka kariimka ah , waxa uu hambalyeeyey Cabdirisaaq oo ah ardayga guulaystay ,waalidkiisa iyo macalimiintii ku tabacday.
 
Xildhibaan Waabeeye waxa uu tixbaaxay in ay tahay wax lagu farxo in arday aad u yari uu kaalinta ugu saraysay u galo in ka badan soddon arday oo wadamo badan ka socda taasi oo muujinaysa hibada dadka reer Somaliland yar iyo weynba.
 
Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo ka mid ah salaadiinta Somaliland oo munaasibada soo dhawaynta ardaygan ka hadlay ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay tartanka uu ku guulaystay ardayga reer Somaliland taasi oo dhiiri-galin u ah buu yidhi da’yarta wax-baranaysa ee  reer Somaliland, waxa uu bogaadiyey macalinkii wax soo baray ardaygan, waalidkii dhalay iyo xukumada Somaliland oo uu ku amaanay kaalinta ay ka qaadato kor u qaadista kitaabka alle.
 
Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Mudane Cabdi Aw Daahir Cali oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo uu ku tilmaamay in uu dedaal dheeraada u galay sidii kor loogu qaadi lahaa diinta.
 
Wasiir Cabdi Aw Daahir oo ka hadlaya guusha uu gaadhay ardaygani ayaa yidhi:-“ Waa Fadli wanaagsan iyo Karaamo qiimo leh waynu wada leenahay sharaftaas iyo karaamadaasi uu ardaygaasi u soo hooyey dalkeenan somaliland,hore haddii Lagu guulaysan  Jiray Kubbado Maanta waxa lagu tartamayaa Kitaabka Alle xifdigiisii,waxaan ku leeyahay il iyo cawri la’aw sannadka dambe waxaan kuu rajaynayaa inaad mar labaad ku guulaysan Doonto Hadii alle yidhaaho”.
 
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland ayaa ka waramay qiimaha iyo muhiimada waddan ahaan uu inoo leeyahay guusha cabdirisaaq Maxamuud Xirsi uu ka soo hooyey tartankan Xifdiga Qur,aanka ee adduunka waxaana uu wasiirku sheegay in qiimo weyn guushani inoo leedahay qaran ahaan waxaa uu yidhi:-“ Tartankani waxa uu ahaa tartan loo qabtay dadka Aadka u yaryar, shan iyo Toban Dawladood ayaa ka soo qayb galay waa dawladihii ku soo baxay in ay ka Qayb galaan tartanka Caalamiga Ah ayaa iskugu tagay,Habeenkii aanu gaadhiga bixinayay Tartankii loo bixiyay tartanka Madaxwaynaha somaliland ayaa na loo soo sheegay inuu Kaalinta koobaad Galay,Tartan Caalami Ah ayaynu ku guulaysanay hadaynu nahay umadan maanta halkan iskugu timid”.
 
Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in ay ka dawlad ahaan sharfi doonaan ardaygan iyo macallinkiisaba maadaama oo ay sharaf u soo hooyeen qarankan isagoo macalinkan ardaygana ku tilmaamay macallinkii sannadka maadaama oo uu ardaygiisii kaalinta koowaad u galay tartan heer caalimi ah.
 
Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo ah ardayga 12-jirka ah ee kaalinta koowaad u galay tartanka xifdiga qur,aanka kariimka ah ee Al-maahir Bil Qur,aan oo ka hadlay dareenkkisa iyo shucuurtiisa farxadeed ayaa yidhi:-“marka koowaad waxaan u mahadnaqayaa ILLAAHAY, marka labaadna waxa aan u mahadnaqayaa dadka ka soo qayb-galay soo dhawayntayda, haddii aan ka hadlo dareenkayga dareenkaygu maanta wuu fiican yahay, tartankan waxa ii sahlay in aan kaalintan galo dadaalkayga iyo dadaalka macallinkayga”.
 
Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa hore kaalinta koowaad ugu galay tartan is reeb-reeb ahaa oo lagu qabtay magaalada Hargeysa isagoo tartankaasina kaalinta koowaad u galay kaas oo u sahlay in uu ka qayb-galo tartanka caalamiga ah ee xifdiga qur,aanka adduunka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply