Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Qorshe Ciyaaraha Gobollada Mar Loogu Wada Qabanayo Laba Gobol

0
500

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ugu suurto-galsan ee labada gobo lee Awdal iyo Togdheer loogu wada qabanayo ciyaaraha gobolada Somaliland ee sannadkan.
Wasiirka ciyaaraha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa uu sheegay in dhawaan la qabanayo ciyaaraha gobolada isla markaana lagu kala ciyaari doono gobolada Awdal Iyo Togdheer isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu  yidhi “Waxa la qabanayaa ciyaarihii gobolada. Sida qorshuhu yahay, gobolka Togdheer waxa ku wada ciyaaraya 8 gobol, lix gobolna waxay ku wada ciyaarayaan gobolka Awdal, waxaana ka soo bixi doono min afar gobol  kuwaas oo lagu wada ciyaarsiin doono Hargeisa.”
Mudane Axmed Cabdi Kaahi, idoo kale waxa uu sheegay inay dhib badan tahay in 14-ka gobol meel kaliya loogu wada qabto tartanka ciyaaraha gobolada, waxaanu sharaxay qaabka loogu kala qabanayo labada gobol waxaanu mar kale yidhi “Waa arrin culayskeeda iyo dhibteeda leh,  sidii loogu ciyaari jiray wadankii hore ee Soomaaliya la odhan jiray , waa la soo kala hadhi jiray in fudud ayaana ciyaarta gali jirtay, markaa haddii intaas oo dhan layskugu keeno  dhib ayey ku tahay cid kasta oo loo geeyo, waana la kala qaybiyey gobolada ciyaaruhuna isku mar ayey dhacayaan.”
Ugu danbayntiina wasiirka ciyaaraha Somaliland waxa uu fariin u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Todheer, waxaanu kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan gobolada ay marti gelinayaan, waxaanu yidhi “Ciyaaraha loo soo gartay inay marti geliso magaalada Burco, waxaan leeyahay waa inaad marti galisaan 8 gobol ee ku ciyaari doono Burco waana inay soo dhaweeyaan goboladaas.”
Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin, sidoo kale waxa uu kormeer ku soo maray gooramada cagaaran ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Dhabbeeye.
Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Dhabbeeye, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu hambalyo iyo dhiiri gelin u soo jeediyay dadweynaha reer Burco waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Burco aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa, waxaanan ku dhiiri gelinayaa in ay si wanaagsan u marti geliyaan tartankaa ciyaaraha gobolada ee is reeb reebka ah ee gobolada bariga, iyada oo Booramena u diyaar garoobayso in ay marti geliso gobolada Galbeedka, siddeeda ka soo baxa ayaanu rajaynaynaa in ay Hargeysa ku ciyaaraan kubad qurux badan, sidana ay kaga soo baxdo kooxdii sannadkan hanan lahayd koobka Somaliland.”
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu sheegay in ay magacaabeen guddidii qaban qaabada ciyaaraha is reeb reebka ah eek a dhici doona magaalada Burco waxaanu yidhi “Waxaanu magacawnay guddidii qaban qaabada ciyaaraha bisha August ka dhici doona gobolka, iyada oo ay isu iman doonaan siddeed gobol oo bariga ah oo ay Burco ugu galbeedayso, lixda kalena Boorame ayay ku ciyaari doonaan, waxaana la isug iman doonaa Hargeysa, wasiirkuna wuu ku dhawaaqay, markaa inaga reer Burco ahaan waxaa la inooga baahan yahay sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn ee aynu uga qayb qaadan lahayn marti gelintaas yar iyo waynba.”
Marwadda Koowaad Oo Kormeertay Cisbitaallo  ku Yaalla Hargeysa Oo Ay   Gaadh Siisay  Deeqo Kala Duwan
By: Naasir Yuusuf Daahir
Hargeysa(Dawan):-Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde,ayaa shalay deeqo kala duwan guddoon siisay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Carruurta ee Dr Maxamed Aadan Sheekh ee caasimadda Hargeysa,   waxaanay sidoo kale lacag ugu deeqday hooyada dhashay ilmo yar oo xaaladiisa caafimaad culus tahay.
Marwada  koowaad  ayaa soo kormeertay qaybaha hooyada iyo dhallaanka ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaanay Marwadu  qof qof isu dul taagtay bukaankii waadhadhkii ay soo  martay bukaankii jiifay  oo ay ALLE uga bariday in uu caafimaad sareecan ah siiyo waxaanay si gaar ah u booqatay ilmo yar oo madaxa biyo kaga jiraan.
Waxaanay Marwaddu  warbixino ka dhegaysatay Agaasimaha Cisbitaalka iyo dhakhtarka u gaarka ah ilama yar ee  madaxa biyuhu kaga jiraan oo si gaar ah ula socda xaalada ilmahaas yar oo sheegtay in xaaladdiisu imika ka soo raysnayso laakiin uu u  baahan yahay dhakhtar dibadeed.
Marwo Aamina waris Sheekh Maxamed oo dareenka hooyonimo awgii ugu damqatay ilmaha yar ee ku sugan xaaladda caafimaad ayaa hooyada ilmaha yar  dhashay guddoonsiisay qadar lacag ah oo wax ka tari kara dawayntiisa  waxaanay ALLE uga bariday marwadu in EEBBE ilamahaa yar xanuunka ka dul qaado.
 
Marwadu waxaa ay xoolo nool guddoonsisay Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa xoolo ay ugu tallo-gashay in bukaanka loo qalo maalinta ciida.
Marwadu intii ay ku guda jirtay Cusbitalka waxa kale oo ay soo kormeertay xarunta caruurta aan ku dhalan xaalad caafimaad oo taam ah balse dedaal loo sameeyo in ilmahaasi la badbaadiyo madaama oo qofka weyn iyo ka soo dhashayba ay isku naf uun yihiin, waxaanay qaybtani shaqaynaysay muddo 3 sanno ah waxaanay hada u shaqaysaa si wanaagsan oo shacbigu ka mahad sheegtay laguna daweeyey caruur tiro badan oo markii hore ku sugnaa xaalad adag.
Kalkaaliyeyaasha qeybtan ka hawl-galaa waxay sheegeen inaanay haysan qalab ku filan oo ay ugu adeega ku qabtaan. Sidoo kale waxay marwadu kormeertay isla markaana  ay  deeq xoolo ah gaadhsiisay Cusbitalka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh waxaanay  soo kormeertay Caruurta lagu dawaynayo  cusbitalka ee xanuunada u jiifa waadhadhka.  waxaana marwada war bixin ka siiyey dhakhaatiirta caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin, waxaanay marwadu caruurta mid mid u soo martay uguna ducaysay in ALLE  shaafiyo kana dulqaado xanuunkanada.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply