Shiinaha Imtixaanka Dugsiyada Sare Ku Ilaalinayay Dayuurado

0
406

Dalka Shiinaha ayaa gobolka Henan imtixaankii dugisyada sare u isticmaalay dayuurado aan duulliye lahayn sidii ay ula dagaalami lahaayeen eegashada imtixaankaasi (Qishka).
Imtixaankan oo ay u fadhiisanayaan 10 malyan oo arday. Ardayda ayaa imtixaankan aad ugu dedaasha inay isticmaalaan qishka.
Waxaa kale oo dhacda in arday badan oo u dhashay dalkaasi ay galaan xaalado halis ah wakhtiga imtixaanka cabsi ay ka qabaan awgeed.
Maamulayaash gobolka Loyan oo caasimadda Bakiin u jira 650 km, ayaa bilaabay inay kula dagaalamaan xaaladaha qishka imtixaanka dayuuradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo ay ku xidhan yihiin camarado iyo qalab isgaadhsiineed oo nooca electronic imtixaanka lagu diro qabanaya.

Leave a Reply