Xidhmada Canabka Japan Waa 8208 Dollar

0
381

Xidhmada Canabka Japan ayaa qiimihiisu gaadhayaa 8208 doller, taasi oo ka dhigan in halkii xabo ee canab ahi uu qiimihiisu yahay 315 doller.  Sida u daabacay wargeyska Daily Telegraph ee Ingriiska.
Wargeyska ayaa sheegay in sanadkan magaalada Kanasu ee Japan ay ahayd magaalada ugu qaalisan canabka. Wargeyska ayaa sheegay in miisaanka xabada Canabka ahi uu yahay 20 Gram.
Madaxa Kuugta Huteelka Nico Mr. Masayuki Hirai, oo isugu ku guulaystay iibkan ayaa sheegay inay ku bixinayan qiimaha ugu macquulsan si ay usoo jiitaan dalxiisayaasha. Waxaana la sheegay in sanadkii hore shamaamka nooca “Yubari” uu ahaa qiimihiisu 12 kun doller.

Leave a Reply