Hargaysa (Dawan): Xoghayaha guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland C/risaaq Siciid Ayaanle, ku xigeenka xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Jamaal Jaamac Jiir iyo sidoo kale agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee golahaasi Cabdi Ismaaciil, ayaa beeniyay war uu golaha Wakiiladda ka qoray wargeyska DAWAN, cadadkii 33365 ee soo baxay Isiintii todobaadkani.
Warkaasi oo ciwaankiisu ahaa “Guddoomiye Cirro oo ku tagri-falay kharashaadkii xaqul ciidka shaqaalaha golaha wakiiladda”. masuuliyiintaasi oo shalay si wada jir ah shri jaraa’id ugu qabtay xarunta golaha Wakiiladda ee magaaladda Hargaysa ay iska baraxeen warkaasi ku saabsanaa in guddoomiye Cirro lunsaday kharashaadkii xaqu ciidka ee shaqaalaha golahaasi. Waxaanay sheegeen xubnahaasi in aanay miisaaniyad-sanadeedka 2014 ilaa 2015 ee golaha Wakiiladda aanu wax xaqul ciid ahi ugu jirin in xaqal ciid la siiyo shaqaalaha golahaasi, isla markaana aanay jirin lacag uu guddoomiyaha golaha Wakiiladu ka lunsaday shaqaale hoosaadka golahaasi.
C/risaaq Siciid Ayaanle, xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in wargeyska DAWAN uu caadaystay wax ka sheega golaha Wakiiladda, isla markaana uu dhawr jeer oo hore ka qoray warar uu been abuur ku tilmaamay, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) ka jawaabaynaa war uu qortay wargeyska DAWAN ee qaranka, kaasi oo caadaysatay in uu mar walba wax ka sheegto golaha Wakiiladda. Waxay jariiradaasi sheegtay in guddoomiyaha golaha Wakiiladda iyo xoghayaha guud ka cuneen xaqal ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha, waxa aan idin tusaynaa miisaaniyadii golaha Wakiiladda, oo cadaynaysa in aanu ku jirin in wax xaqul ciid ah la siiyo shaqaalaha golahaasi.”
Waxa kale oo uu sheegay C/rasaaq Ayaanle in toddobaadkan aynu ku jirno ay soo saari doonaan Majalad yar (magazine) ka hadlaya shaqada golaha Wakiiladda iyo xeerarka dalka. “Golaha wakiiladu waxa uu soo saarayaa magazine la yidhaahdo xogsidaha golaha wakiilada, saddexdii biloodba mar ayay soo baxaysaa, toddobaadkan ayaanay soo baxaysaa.
Waxaanay ka hadlaysaa waxqabadka golaha wakiiladda in dadka dawladnimadda la baro waxa kale oo ay ka hadlaysaa shaqada goluhu hayo iyo shuruucda dalka waana markii uu horaysay ee golaha wakiialdu yeesho magazine waxaana naga caawiyay Nagaad network waana bilaash dalka oo dhan ayaan gadhsiin doonaa” ayuu yidhi xoghayaha guud ee golaha Wakiiladu.
Dhinaca kale Cabdi Ismaaciil Xawaadle oo ah Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee golaha wakiiladda oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in miisaaniyadda golaha Wakiiladda ee sanadaha 2014 ilaa 2015 aanay ugu jirin wax xaqul ciid ah shaqaalaha golahaasi. Waxaanu yidhi “Waxaan ka jawaabayaa wax shalay (doraad) aan jaraa’idka ku arkayay. golaha wakiiladu waxa uu ku dhaqmaa sida wasaarad kastaaba ugu dhaqanto. Miisaaniyad ayuu leeyahay, waxaana ku qeexan mushaharooyinka, shiidaalka, wixii gunooyin ah, wax waliba halkaas ayay ku qeexan yihiin, wax qarsoona ma aha, miisaaniyad waliba waxay ka kooban tahay labo sanadood.
2014 ilaa 2015 intay ahayd labadii sanadood ee u danbeeyay wax xaqul ciid la yidhaahdo oo miisaaniyadda noogu jiray ma jirto, markaa jaraa’idka waxan qoray isagaa ka jawaabi doona.”
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay xoghaye ku xigeenka golaha Wakiiladda Jamaal Jaamac Jiir, waxaanu sheegay in aanay wax ka jirin warka uu wargeyska DAWAN ka qoray golaha Wakiiladda. Waxaanu u soo jeediyay wargeyskaasi in uu raali-gelin ka bixiyo warkaasi beenta ah ee uu qoray, maadaama oo uu yahay wargeys qaran.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka “Labadii Sannadood Ee Ugu Dambeeyay Miisaaniyadda Golaha Wakiiladda Lacag Xaqul Ciid Ahi...