Rakaabkii Dayuuradda Waxa Ku Dhacay Cabsi

0
354

Markii ay dayuuraddu dhex maraysay daruuraha xoogga ah ayuu si kediso ah miisaankeedu u lumay, dadkii oo dhan ayay naxdini ku habsatay marka laga reebo wiil yar.
Wiilka yar waxa ag fadhiyay nin weyn, kaasi oo cabsi darteed ku soo ciirayay. Wiilka yar ayaan isagu danba ka lahayn waxa ku habsaday rakaabka oo si degan isaga fadhiyay.
Nasiib wanaag dayuuraddii ayaa si nabad ah ku soo degtay madaarka. Ninkii ayaa wiilka weydiiyay sababta si uu aqoon uga faa’iido :” Maxaa kuugu wacnaa degenaanshaha iyadoo dayuuradii miisaankii socodku ka lumay oo dadkii ay cabsiyi wada haysay?
Wiilka yar ayaa ku jawaabay:” Aabahay waa duuliye , waxaana uu ii balan qaaday inaan soo nabad noqon doono”.
Xikmadda ayaa ah “ Kalgacalka dhabti waa kalsooni buuxda”.
 

Leave a Reply