Badhasaab Mustafe Shiine Oo Sheegay In Mucaaridnimadii Laga Sifeeyay Gobolka Gabiley

0
356

Gabiley (Dawan):-  Badhasaabka   gobolka  Gabiley  Mustafe Cabdi Ciise (Shiine),  ayaa sheegay in xisbiyadda mucaaridka ahi aanay wax  awood ah ku lahayn gobolka Gabiley, isla markaana dhammaanba bulshadda ku nool gobolkaasi ay dhabarka u soo jeediyeen axsaabta mucaaridka ah.
Mustafe Shiine waxa uu xusay     in mucaaridnimadii hore uga jirtay  magaaladda Gabiley in ay hadda  burburtay, isla markaana shaqsiyaadkii dhaliili jiray xukuumadda talladda haysa in ay iska xishoodeen kadib markii ay arkeen wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh eek a hirgalay gobolka Gabiley.
Badhasaabka gobolka Gabiley, waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal uu ka jeediyay munaasibad  shalay lagu qabtay xarunta Agoomaha ee magaaladda  Gabiley,  oo ay marwada koowaad ee qaranka  Somaliland Aamina Sheekh Maxamed Jirde  deeq ku guddoonsiinaysay carruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaaladda Gabiley.
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine),   oo ka hadlayay heerka ay wakhtigan marayso xaaladda mucaaridka ee gobolka Gabiley  waxa uu yidhi “Wuu ka soo xidhmay,  waanu  ka soo af-jarmay,   dadkii  mucaaridka ahaan jiray,  ee qaylin  jiray.  maanta gobol ay joogaan oo mucaaridku  ku  badan yahay mucaaridadu   ma aha gobolka Gabley. Balse   waa gobol mucaaradkiisu aad u yar yahay,  in kastoo ay tahay in qaranku yeesho mucaarid.  Hadana  maanta  horumarka gobolka Gabiley ka socdaa wuxuu   keenay in  dadkii hadli jiray ay ka aamusaan,  oo ay ka xishoodaan  in ay sheegaan  wax dhaliil ah”.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply