Shini lagu Dhaqayo Madaxtooyada Jabaan

0
295

Haweenayda uu qabo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa sheegtay inay doonayso inay shini ku dhaqato gudaha aqalka madaxtooyada.
Haweenayda ayaa intaasi ku dartay inay aad u jeceshahay dhaqashada shinida iyo waliba malabka.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Akie Abe ayaa doonayso in shini gaadhaysa 10.000 ay ugu horayntii abuurto.
Shinidan ayaa la filayaa in malabkeeda uu diyaar noqon karaa dhamaadka sanadkan.
Haweenaydan ayaa inta badan danaysa arimaha deegaanka. waxayna talaabadan uga dayanaysaa xaaska madaxweynaha Maraykanka oo aqalka cad ee Maraykanka ku haysata Shini.
 
 

Leave a Reply