Wariye Codsaday sii daynta Wariyeyaal kale

0
270

Mid ka mid ah shantii wariye ee dhawaan laga sii daayay xabsiyada dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in beesha caalamku ay cadaadis ku saarto dawladda Itoobiya in ay siidayso wariyeyaasha kale ee xidhan.
Tesfalem Waldyes, BBC-da u sheegay in saaxiibadiisii kale ay ku dacdaraysan yihiin xabsiyada.
Wariyayaashan ayaa xidhnaa mudo sanad ka badan waxaa loo cuskaday sharciyo argagixisada la xidhiidha.
Kuwa la sii daayay waxaa la joojiyay oo la tuuray dacwadihii loo haystay, laakiin Tesfalem waxa uu sheegay in uu wali cabsi ku noolyahay.
Mar la waydiiyay waxa ay ka dhigantahay in wariye lagu noqdo gudaha dalka Itoobiya waxa uu sheegay in ay dawladdu ‘xariijin cas’ jeexday oo aanu  ogayn goorta uu ka talaabi doono xariijintaasi cas.
siidaynta shantaasi wariye waxa ay ku soo aadaysaa todobaadyo kahor wakhtiga uu Itoobiya booqanayo madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama.
Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda waxa ay aad ugu dhaliilaan dawladda Itoobiya sida ay ula dhaqanto wariyayaasha madaxa banaan ee arrimo dawladda ka dhan ah sheega.
 

Leave a Reply