Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo Saaray Ceel Af-weyn

0
356

Ceel af-weyn(Dawan):- Deegaanka  God-Caanood oo ka tirsan Degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag ayaa lagu caleemo saaray Suldaan Yuusuf Cabdiraxmaan Aw Daahir oo ka mid noqon doona madaxdhaqameedka deegaanka Ceel Afweyn.
Salaadiin, cuqaal,  madaxdhaqameed, Maayarka degmada Ceel Afweyn,  xildhibaanada deegaanka iyo marti sharaf kale oo tiro badan ayaa ka soo qayb galay caleemo saarka Suldaanka cusub.
Xildhinaabadda golaha deegaanka iyo madaxdhaqameedka ka hadlay xafladaas caano-shubka  ayaa dhammaantood soo dhaweeyay caleemo saarka Suldaanka cusub waxaanay ALLE uga baryeen in EEBBE xilka cusub ee dhaqan ee loo caleeno saaray uu ku asturo waxaanay kula dardaarmeen Suldaanka in uu ahaado Suldaan Dhaqan oo aanu ku milmim siyaasadda.
“Beryahan salaadiintu waxay noqdeen siyaasiyiin oo siyaasadda ayay ku milmeen Suldaanka cusub waxaan leeyahay suldaan dhaqan noqo oo siyaasadda ha ku milmin waanna kula shaqaynaynaa,”sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah odashaasha Suldaanka caleemo saaray.
Maayerka Degmada Ceel-afweyn Cabdiraxiin Yuusuf Aw Axmed oo ka hadlay munaasibadda caleemo saarka Suldaanka Cusub ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan arrimaha dhaqankana kala shaqayn doonaan.
“Waan soo dhawaynaynaa Suldaanka Cusub waxaana leenahay Suldaan ku soo dhawaw deegaankaaga iyo dadkaaga ALLENA waxaan kaaga baryaynaa in uu xilkaa laguu caleemo saaray kuu fududeeyo.” Ayuu yidhi Maayerka degmada Ceel-afweyn.
Ugu dambayn waxaa madasha ka hadlay Suldaanka la caleemo saaray o o u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay xafladda caleemo saarkiisa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “waxaan marka hore uga mahad celinayaa bulshadan faraha badan ee ka soo qayb gashay caleemo saarkayga intaa ka dib waxan balan qaadayaa in aan noqdo Suldaan Somaliland oo ka shaqeeya nabad gelyada iyo wada jirka ummadda waxaanan ahay Suldaan Somaliland oo dhaqan.”ayuu yidhi Suldaanka cusub ee lagu caleemo saaray tuulada god caanood ee degmada Ceel Af-wayn ee gobolka Sanaag munaasibadda caleemo saarka oo qabsoontay 10-kii bishan.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply