Daraasad: Shimbiruhu Waxay Leeyihiin Luqad U Gaar Ah

0
432

 
Warbixin cusub oo soo baxday 29-06-2015 oo koox culimo ahi ku baadheen noocyo shimbiraha ka mid ah aya soo saaray natiijo yaab noqotay oo cadaynaysa in noocyada shimbiruhu ay leeyihiin luqado u gaar ah oo ay kuwada xidhiidhaan.
Daraasadda oo ay qaadeen jaamacadaha Exeter iyo Zurich ee Switzerland ayaa xaqiijiyay in codka Shimbirka lagu magacaabo Kastana Almalakiyi ee ku nool dalka Austerliya oo la moodayay inuu yahay mid aan macno samaynayn laakiin uu codkaasi yahay dhawaaq habaysan oo weliba isku xidhan isla markaana gaadhaya shimbir kale.
Waxaana shimbirkani awood u yeeshay sida shimbiraha kaleba inay dhowaaqaasi isugu gudbiyaan fariimaha ay doonayaan.
Websitka “Science Daily” oo warbixintan lagu baahiyay ayaa daabacay in daraasadihii ay ka qaaday jaamacadda Zurich shimbiro kala duwan ay leeyihiin ahmiyada iyo macno.
Waxa kale oo ay daraasaddu cadaysay in shimbirka almalaki uu leeyahay dhowaaq hadal ay oo ay fahmaan shimbiraha kale iyo weliba dhalaalka uu dhalay.
Professor Andy Russell oo isna wax ka dhiga jaamacadda Exter ayaa isna muddo 10 sano ah waday daraasada uu ku ogaanayo cidi shimbraha. Waxaana uu sheegay in habka shimbiruhu ay hawsha ku bilaaban uu yahay cod gaar ah oo ay isugu yeedhaan isla markaana ah erayo kala soocan sida s,w,c.
Dr. Andy ayaa sheegay in shimbrika Kastani uu ku dhowaaqo s – c , laakiin marka uu cunto siinayo dhalahiis uu ku dhawaaqo erayada  c, s,c
Dr.Andy ayaa xaqiijiyay in culimadu ogaatay in faraqa dhowaaqa labada xaraf ee shimbirka ka soo baxa. Waxaana uu sheegay in marka uu ku dhowaaqo “csc” ay dhamaan shimbiruhu ku soo qaadan dhalalkooda si ay cunto u siiyaan,
Aqoonyahanad waday daraasaddan ayaa sheegay in markani ay tahay wakhtigii ugu horeeyay ee si cad loo ogaado dhawaaqyada shimbirhaa iyo afgarshadooda iyadoo muddo badan muran ka taagnaa. Waxa kale oo ay daraasaddu cadaysay inay jiraan inay shimbruhu yihiin makhluuq kale oo dhulka kula nool dadka,  oo iyana leh luqad ay isku fahmaan lana mid ah tan aadamiga.
Quraanka Kariimka ayaa inoo xaqiijiyay ,in Nebi  Sulaymaana(cs)  uu la hadlay shimbirka Hud Hudka waxaana uu adeegsaday erayga mandaq, taasi oo muujisay in shimbrihu ay leeyihin luqad u gaar ah oo ay isku fahmaan. Waxaana cadaatay in quraanku cadeeyay sida uu u yahay mid mucjiso ah oo xagga Allah ka soo degay.
 

Leave a Reply