Saddex Maalmood Ayay Kaynta Ku Jirtay

0
313

Gabadh Maraykan ah oo 16 sano jirtay ayaa ka badbaaday shil dayuurad dalxiis, gabadham ayaa muddo saddex maalmood ah keligeed ku jirtay dhulka kaynta ah ee waqooyiga Dalka Maraykanka.
 
Sida lagu daabacay wargeysyada gudaha ee dalkaasi ka soo baxa maalintii Salaasada ahayd. Gabadhan oo lagu magacaabo Auton ayaa iyadoo la socota ayaydeed iyo awowgeed dayuuraddaasi dalxiis raacay, taasi oo ku socotay gobolka Montana markii ay ku burburtay dhulka buuraha ah ee Kaskad.
 
Wargeyska Seital Times oo waraystay gabadhan yar ayaa sheegay inaanay waxba cunin muddo saddex maalmood ah , iyadoo aanay ka soo gaadhin shilkaasi dhaawac weyni.Waxaana loo qaaday Isbitaalka Borostor ee waqooyiga monana, halkaasi oo Aabaheed ugu yimi. Koox badbaadinta ayaa tagtay goobtii shilka dayuuradda. Waxase aan la sheegin xaalada labadeedii waalid ee la socoday.
 
 
 
 
 

Leave a Reply