“Dhiirigelinta Dhalinyarradu Waa Mudnaan Muhiimad Weyn Leh”Wasiir Xirsi

0
378

Hargeysa (Dawan) –  Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shalay ka qayb galay Munaasibad lagu soo khatimayay Koobka bisha barakaysan ee Ramadaan oo in muddo ah ka socday garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa boqolaal ka mid ah dhalinyarrada reer Somaliland kala qayb galay xidhitaanka tartankaasi, waxaanu halkaasi ka jeediyay hadallo isugu jiray dardaaran iyo tilmaam, waxaanu tilmaamay muhiimada iyo ahmiyada ay leeyihiin ciyaaruhu waxaana uu yidhi “Jimicsigu wuxuu kaalin weyn kaga jiraa la dagaalanka Balwadaha iyo helitaanka Caqli Wanaagsan. Dhiirigelinta Dhalinyaradu waa Mudnaan Muhiimad weyn leh”
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa internetka ee guusha.com, qoraakaasi oodhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaa farxad ii ah in aan boqolaal dhalinyaro ah kala qaybgalay dhamaadka tartan kubada cagta ah oo ka socday garoonka Xawaadle ee Caasimada Hargeysa.
Hadaba, kahor intii aanu bilaabmin kulanku ayaan dhalinyarada kala hadlay muhiimada cayaaraha iyo sida jimicsigu uu kaalin wayn ugaga jiro dhismaha jidhka iyo dabcan caqliga qofka, waxaanan sidoo kale isla garanay in sunaha kubadu tahay in maalina guushu ku raacdo maalina walaalkaa raacayso ee aanay ahayn cadaawad iyo colaad.
Waxaan aaminsanahay in qofka dhalinyarrada ah ee isticmaala jimicsiga iyo spoortiga qaybihiisa kala duwan uu marwalba ka caqli iyo jidhba wanaagsan yahay qofka isagu ku mashquula balwadaha noocyadeeda kala duwan.
Intii kulanku socday ayaad arkaysay dhalinyarada oo soo bandhigaya farsamooyin iyo xirfado aad u heersareeya sidoo kalena muujiyey bisayl spoorti oo aad u soo jiidanayey dhamaan daawadayaashii soo buux dhaafiyey garoonka.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dhalinyaradii soo qabanqaabisay wareegan mudada badan socday oo runtii muujiyey dhabar adayg iyo masuuliyad dheeraad ah, waana astaan wanaagsan oo muujinaysa hogaamin wanaagsan,
Dhiirigelinta iyo barbar joogida dhalinyaradu waxay muhiimad weyn kaga jirta xukuumada tallada haysa sidoo kale in loo sameeyo qorsheyaal horumarineedna waa mudnaanta dawlada. Dhalinyarrada Somaliland meel ay joogaanba waxaan u rajaynayaa mustaqbal iftiin badan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply