Kooxda Wasaaradda Tamarta Oo Ku Guulaysatay Koobka Kubadda Kolayga Ee Hargeysa

0
297

Hargaysa (Dawan): Kooxda kubbadda Kolay ee u ciyaarta wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland ayaa markii  saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka kubadda Kolayga ee bisha  Ramadaan oo sanadkasta lagu qabto garoonka Timo-cadde ee magaaladda Hargaysa.
Kadib markii ay habeenikii xalay 32 dhibcood kaga badisay  kooxda u ciyaarta   ururka haweenka ee NAGAAD, oo ay isugu hadheen ciyaartii kamadanbaysta,  taasi oo iyadna keensatay 30 dhibcood.
Tartankani   oo  uu soo qaban qaabiyay xidhiidhka kubbadda Kolayga, isla markaana  muddo laba todobaad ah ka socday garoonka Timo-cadde,    oo xalay la soo gebagabeeyay ayaa  sanadkan lagu xusayay ALLE ha u naxariistee Marxmuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo ahaa  xoghayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee  SOLJA.
Tartankaasi oo   bilaabmay 15-kii bishan Ramadaan,     ayaa    intii uu socday waxaa     ka qayb qaatay 8 kooxood oo ka mid ah   kooxaha heerka koobaad  ee  kubbadda Kolayga ee ka dhisan   caasimadda Hargaysa.
Waxaana daawashadii  ciyaartaasi  ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo  ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha   Maxamed Xuseen Dhabeeye, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaradda C/najax Siyaad Yoonis, safiirka Somaliland ee dalalka isu-taga  Imaaraadka Carabta Danjire, Baashe Cawil Xaaji Cumar,  iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Gebagabadii tartankaasi ayaa waxaa  biladdo iyo abaal-marinno  la gudoonsiiyay ciyaaryahanadii, masuuliyiintii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay   hirgelintii  tartankaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply