Fu'aad Aadan Cadde Oo Ku Geeriyooday Turkiga Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Tacsiyadeeyay Shacbiga

0
252

Hargeysa(Dawan):-Alle ha u naxariistee waxaa cusbitaal ku yaalla dalka Turkiga ku geeriyooday la taliyihii arrimaha barriga ee Madaxweyne Siilaanyo, fu’aad Aadan Cadde.Marxuumka ayaa dhakhtar  Turkiga ah loo qaaday ka dib markii uu dhaawac ka soo gaadhay  shil gaadhi oo Marxuum Fu’aad ku jiidhay Madaxtooyada Hargeysa dhexdeeda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa qaybaha kala duwan ee shacbiga ka tacsiyeeyay geerida siyaasigaas ruug caddaaga ahaa.
Sidaasna waxa  lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorrada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka (shalay)  15/07/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somalilandba, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadaan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhab ah oo aan ka gaban mawqifkiisa waddanimo.
Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo sheeqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu illaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Waxaa kale oo geerida  Marxuum Fu’aad Aadan Cadde shacbiga  Somaliland ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,waxaanu marxuumka ALLE uga baryay in  jannooyinkiisa macaan ugu deeqo oo uu dambigiisa dhaafo waxaanu  ubadka,ehelada,asxaabta iyo qaranka Somaliland ee uu baxayba uga baryay in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Marxuum Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee reer Somaliland isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay  xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland waxaana soo qabtay Marxuumku Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga isagoo  ka mid ahaa siyaasiyiintii hormuudka  ka ahaa urur siyaasadeedkii ASAD ee doorashooyinkii 2002-dii ku hadhay doorashooyinkiii dawladaha hoose ee xilligaa isla markaana  ku biiray xisbi siyaasadeedkii xilligaa dalka hoggaaminayay ee UDUB. Markaasoo uu  xukuumaddii Rayaale ka noqday Wasiirkii deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga.
Marxuum Fu’aad Aadan Cadde ALLE ha u naxariistee waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii salka u dhigtay nabadayntii beelaha Somaliland oo uu tan  iyo markii lagu dhawaaqay la soo noqoshada Madaxbannaanida qaranimada Somaliland uu ku hawlanaa sidii bulshada reer Somaliland u walaalayn lahaa isuguna xidhi lahaa.
Waxaa uu Marxuumku intii uu noolaa uu deegaanada Somaliland  isaga dab qaaday  arrimo nabadayn ah oo uu beelo shaqaaqo dhexmartay ugu kala gurmaday,
Markii  uu ka tegay xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumaddii  Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ee UDUB waxaa uu  ka mid noqday siyaasiyiintii miisaanka cuslayd ee hormuudka u noqotay Xisbiga KULMIYE ee imika tallada haya oo uu halgan dheer oo mucaaridnimo ah la soo qaatay. Markii Kulmiye ku guulaystay hoggaanka dalka waxaa uu noqday La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga.
Marxuum Fu’aad Aadan Cadde ayaa wax badan ka geystay nabadaynta deegaamada Bariga Somaliland  intiii uu ahaa la taliyaha Madaxweynaha ee gobolada Bariga Somaliland,  waxaanu soo af-jaray  xiisado dilal ahaa oo ka dhacay deegaamo  ka tirsan gobolka Sool oo kala gaadhay beelaha walaalaha ah ee gobolka Sool.
Geesta kalena, Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac,  oo taariikh nololeedka Marxuum Fu’aad Aadan Cadde uga warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa marxuumka ku sifeeyay waddani halgamaa ahaa oo ka qeyb qaatay nabadeynta beelaha Somaliland oo uu 1991-kii  iyo wakhti xaadirkan uu geeriyooday ku hawlanaa. “ALLE ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde waxaa uu ku dhashay  degmada Xuddun ee gobolka Sool 1943-kii waxbarashada aasaasiga ah waxaa uu ka galay magaalada Laascaanood. Dugsigii sarena waxaa uu ka galay iskuulkii  Sheekh.markii ay midoobeen Somaliland  iyo Soomaaliya  xornimadii lixdankii ka dib Fu’aad waxaa uu ka soo shaqeeyay Madaxna ka soo noqday Baankii Soomaaliya. Madaxna  wuu ka soo noqday markii dambena wuu ka tegay oo ganacsade ayuu noqday. waxaanu qandaraasyo ka qaadan jiray kombaniyadii shidaal qodista ka bilaabay Soomaaliyadii hore.markii taliskii Millatariga ahaa dumay wuxuu  bilaabay oo uu safka hore ka galay nabadayntii beelaha Somaliland. Fu’aad wuxuu ka qayb galay shirar badan oo nabadayn ah oo ka dhacay gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu nabadaynayay beelaha Somaliland wada dega oo bilaabmay 1991-kii  markii Somaliland lagu dhawaaqay. Illaa xilligan  siyaasadda Somaliland ayuu ku jiray oo uu marna Muxaafid ahaa marna Mucaarid ahaa. Wuxuu guursaday laba xaas waxaanu dhalay toban ubad ah.waxaanu ifka kaga tegay ubadkuu dhalay iyo carruur badan oo  ay caruurtiisu dhashay oo uu awoow u yahay.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply