Taariikhda Lacagta Iyo Khatarta Ka Dhalan Karta Haddii Uu Maamulkeedu Ka Baxo Gacanta Dawladaha Qaybta 4aad

0
413

Todobaadkii hore qaybtii  3aad ee Qormooyinkan taxanaha ah ee aynu ku eegayno   Taariikhdii lacagtu  soo martay  iyo khatarta  ka dhalan karta marka  uu lacagta maamulkeedu ka baxo gacanta dawladahu waxay innoogu joogtey In Faraaciyiintii hore ee reer  Masar  ay mudo aad u fog lacag ahaan u isticmaali jireen walxo ka samaysan biraha qaaliga ah ee ay adagtahay in cid waliba si fudud oo dhib yar u heli karto, ama u samaysan karto, sida Dahabka, Silverka iwm. Kuwaasi oo isla mar ahaantaana ahaa qaar la wada leeyahay oo Ummada oo dhan ka dhexeeyey, qiimahooda lacagnimo ee ay wax ku jarayaan uu ahaa mid heshiis lagu yahay oo cid waliba ku qanacsantahay, isla markaana lahaa cabir la isla yaqaaney oo lagu qiyaasi jirey ama lagu xisaabin jirey.
 
Buuga la yidhaahdo  (KHUDUD ARA’ISIYA LI-IQTISAAD)  ee uu qoray “Dr Mohamoud Asucud” iyo qaar kale oo ka mid ah buugaagta laga qoray lacagta iyo taariikhdeedu ayaa waxa ay iyana cadeeyeen in xiliyada qaar lacagtu ahaan jirtey Dhagxaanta iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin Dhoobada iyo Lo’da oo ay bulshooyinka dunida qaar ka mid ahi badeecadaha ku kala bedelan jireen. Iyada oo uu mar walba waxyaabaha lacag ahaanta loo isticmaalayey ahaayeen kuwo la isla wada ogolaa qiimahooda iyo in wax lagu kala bedeshoba.
 
Kolka ay lacagta iyo taariikhdeeduba  sidaas yihiin  waxaa halkaas inooga cad oo aynu si fudud u dareemi karnaa in lacagtu mar walba ahayd mid la jaanqaadaysay isbedeladii nololeed, ilbaxnimo iyo taariikheed ee uu Aadamahu soo maray mudadii uu ku uumanaa dunida guudkeeda. Waxa kale oo ay dhacdooyinka iyo taxanaha  taariikheed ee lacagtu soo martay  si gaar ah inoo barayaan  in shay kasta, adeeg kasta  iyo wax kasta oo ay bulshadu  lacag ahaan u isticmaalayso  looga baahan yahay inuu ahaado mid  ummadda ka dhexeeya oo aanay cidina gaar u lahayn, isla markaana heshiis lagu yahay oo dadka isticmaalayaa isla wada ogol yihiin qiimahiisa iyo sharcinimadiisaba.   Balse  hadii uu shayga ama adeega lacag  ay bulshadu lacag ahaanta u isticmaalaysaa noqon waayo mid sidaas oo kale ah  oo dadku wada leeyahay,  qiimahiisa iyo  sharciyadiisana la isla ogyahay oo heshiis lagu yahay  shaygaas ama adeegaasi ma noqonayo mid qiimo leh oo sharciyad ku dhisan, isla markaana lacag ahaan loo wada isticmaali karo. Arintaasina waa sababta keentay in ummadaha kala duwan ee caalamka  oo dhami isku raacaan in  dalkasta oo dunida ka tirsan xukuumadiisu tahay  cida keliya ee sharci ahaan awooda u leh inay iyadu samayso lacagta dalkeeda lagu isticmaalayo,  isla markaana jaangoyso  qiimaha rasmiga ah ee  yeelanayso lacagta dalkeedu  iyada oo taas ku salaynaysa, una eegaysa arimo faro badan oo ay ka mid yihiin khayraadka dabiiciga ah ee wadankeedu  inta uu le’eg yahay, heerka uu   dhaqaale ahaan  iyo wax soo saar ahaan dalkeedu  ka taagan ka taagan yahay dunida inteeda kale,  sida ay wadamada kale ee caalamku ugu baahan yihiin isticmaalka lacagta dalkeeda iyo guud ahaanba waxyaabaha kale ee ay lagama maarmaanka tahay  in la tixgelyo marka wadan lacag loo samaynayo, ama la go’aaminyo  qiimaha lacagta wadankaasi yeelanaysaa waxa uu ka noqonayo heerka sarifka lacagaha iyo suuqyada ganacsiga,  inkasta oo badanaa qiimaha kala bedelshada badeecadaha iyo lacagahu  sida ay noqonayaan uu  gooyo suuqa ganacsi ee jiraa, waxaase xaqiiq ah in marka arimahaas oo dhan la qiimeeyo lacagtu noqonayso shay aad u awood badan oo qiimo leh, isla markaana uu qof kastaaba  baahi u qabo helideeda. Waana taasi  sababta  Quraankuba u  cadeeyay in lacagta dadka loo qurxiyay , ayna ka mid tahay raaxada aduunyada.
 
Sidaa awgeed lacagta shaqadeeda,  koontaroolideeda, ilaalinta qiimaheeda soo samaynteeda marka loo baahdo iwm  waa shaqada xukuumadaha guud ahaanba, gaar ahaana Bankiga dhexe ee dalkaasi leeyahay  ayay shaqadiisa tahay oo arimahaas qaabilsan.
 
Balse haddii koox bulshada ka mid ahi  iska samaysto lacag noodh,  qadaadiic, ama wax kale oo u dhigma ah sida adeega Zaadka    loo yaqaano     ee dalkeena laga isticmaalo iyada oo aanay wax sharciyad ah iyo wax awood ah oo ay  Xukuumaddu kooxdaa u siisay  arintaas, lacagtaasi lacagtaasi ma noqonayso lacag sharci ah oo dadku wada leeyahay, balse waxa ay noqonaysaa   lacag faalso ah  (Money Forgery), oo si sharci daro iyo tuugonimo ah loo soo samaystay, hadii aan hore loo ogaanin oo si deg  deg ah wax looga qabana waxa ay dalka ka abuurtaa  khal khal dhinaca dhaqaalaha ah  iyo sicir barar aan xuduud lahayn,   waxa kale oo ay keenaysaa in koox  gaar ah oo bulshada ka tirsan ay  si dhib yar   gacanta ugu gasho awoodii  xukuumadu lahayd oo dhami
 
 
 
 
 
Iyo weliba in kooxdaas lacagta samaysatay  ay si sahlan iyagu u xukumi karaan suuqyadii  ganacsiga  ee dalka isla markaana ay ka yeelaan kolba sidii ay doonaan. Sida ay haatanba yeelaan mulkiilayaasha iska leh shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland ka jira, oo iyagu iska leh lacagta Mobile Money-ga ah ee Telefoonada lagu isticmaalo ee ay  ka mnidka yihiin Zaadka iyo E-dagabka oo labaduba ah lacago aan wax sharciyad iyo wax damaanad ah midna lahayn.
 
La soco Khamiista dambe ………

Leave a Reply