Gariiga oo aqbalay go'aamada midowga Yurub

0
328

Baarlamaanka dalka Giriigga ayaa si aqlabiyad ah u meel mariyay tallaabooyiinka adage ee midowga yurub ay soo rogeen.

Brussels waxay ku adkaysatay aqbalaad ka hor intaan laga hadlin dhaqaale cusub oo samatabixin ah oo gariiga la siiyo intaysan billaaban.
Ra’iisul wasaare, Alexis Tsipras, ayaa sheegay inuusan aaminsanayn tallaabooyiinkaasi, laakiin bedel kale ma jiro oo aan ahayn inay ogolaadaan haddii ay doonayaan inay Midowga Yurub ka sii mid ahaadaan.
Waxa uu taageero weyn ka haystaa kuwa asiga taabacsan, laakiin xildhibaano badan, oo ay ka mid yihiin kuwa xisbiga talada haya ee Syriza – ayaa MAYA u codeeyay.
Waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee dhaqaalaha, Yanis Varoufakis, kaas oo is casilay isbuucii hore.

Leave a Reply