Faransiiska oo ka hortagay weerar

0
310

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegaya inay xireen afar qof oo lala xiriirinaayo weerar qorsheysan oo lagu qaadi lahaa xero militari.

Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in Afarta qof ee la xiray Isniintii uu ka mid yahay askeri hore oo 23 sano jir ah.
Waxa uu intaa ku daray in laba haamo oo maalintii Talaadada ku qarxay meel u dhow Marseille, ay u muuqatay inay ahayd ficil burcadnimo, oo aysan cadeyn u jeedada laga lahaa.
Amniga dalka Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii 17 qof lagu dilay gudaha iyo duleedka Paris, bishii January.
Sidoo kale qof ayaa gowracay maamulihiisa intii uu socday weerar lagu qaaday shirkad shidaal oo ku taalla meel u dhow magaalada Lyon.

Leave a Reply