Khubaro u dhalatay wadanka Denmark ayaa helay waxyaalo dahab u badan oo ay sheegeen in la isticmali jiray muddo laga joogo 900 ilaa 700 oo sanno,kuwaas oo laga helay gobolka lagu magcaabo Buljn ee wadankaasi,waxaanu dhererka dahabkaasi noqonayaa ilaa 3 cm,waxaanu culayskiisu noqonayaa inta u dhaxaysa 200 ilaa 300 oo gram.
Khubaradan ayaa sheegay inay u malaynayaan in dahabkani yahay kuwo loogu samayn jiray madaxdii waqtigaasi joogtay dharka ,iyaga oo aan samayn weli baadhitaano dheeri ah,waana dahab u samaysan sida dharka oo kale,kuwaas oo la moodo in loogu talo galay in hareeraha lagaga tollo dharka.
Dahabkan waxa lagu wareejiyey oo baadhitaano ku samayn doono khubaro ka socota masxafka qaranka ee dalkaasi Denmark,waxaanay khubaradani sheegeen inay u malaynayaan in dahabkan lagu qurxin jiray koofiyadaha iyo dalaayadaha boqoradda iyo madaxda kale,waxaanay sheegeen in laysku raacsan yahay inay isticmaali jireen dadka xukaamta ah iyo dadka qaniga ahi.
Shayga xiisaha lahaa ayaa ah in aan dahabkan oo kale hore loo helin sida ay khubaradani sheegeen,waxaana jirtay mar hore oo kuwan qaar u dhow laga helay meelo kale oo qaarada Yurub kamid ah ,laakiin ay aad u kala duwan yihiin dahabkan iyo kaasi waqtigaasi la helay.