Qaaradda Amerika Iyo Europe Oo La Filaayo Inay Ka Haajirto Shinnidu Sannadaha Soo Socda

0
311

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii xumaanayso cimilada iyo hawada caalamku ayay saamayn ku yeelatay xawayaano badan oo ku nool qaaradaha warshadaha badan wadamadoodu lee yihiin,kuwaas oo ay samayn ku yeelatay qiiqa iyo is bedelka cimiladaasi xukumaatay.
Waqooyiga Amerika iyo Yurub ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxa aad ugu soo yaraanaayey shinnida oo ah xayawaanada hibada badan ee ALLE  Swt ku abuuray koonkan,waxaana laga la’yahay wadamada qaarkood oo ay gebi ahaanba is bedeshay cimiladoodu.
Wadamo qaaradda Yurub kamid ah ayay ka haajireen xayawaano ,gaar ahaana cayayaan u badan oo ku noolaa,kuwaas oo uga yaacay halkaasi heer kulka meelaha ay ku noolaayeen oo isbedel ku yimid,waxaanay qaarkood gaadheen gobolada Waqooyi ee qaaraddaasi ,sida ay muujisay khariirad ay soo saareen khubarada loo yaqaano Colder Climate-ku.
Khubarada ayaa tilmaamay in noolaha ugu dambeeya ee xasharaadka ah lana filaayo inuu marka ugu dambaysa ka tago qaaradaha cimiladoodu xumaanayso inay tahay Shinnida,taas oo waqtigan ku yar wadamada qaarkood,sida ay khubaradaasi sheegeen.
Khubarada Sayniska ayaa soo ururiyey warbixino hore looga diyaariyey nolosha 67 nooc oo xasharaad ah kuwaas oo ku noolaa qaaradahaasi laga soo bilaabo sannadkii 1901 ilaa 2015,waxaanay sheegeen in ay weli deganaan yari ka jirto xuduudka koonfureed ee Yurub oo ay ku hadhsan yihiin iyadana waxoogaa xayawaan ahi,gaar ahaana xasharaadkaasi.
Waxay sheegeen in xayayaan badan oo markii hore dhulkaasi ku noolaa ay hadda u qaxeen dhinaca gobolada qabow oo ah kuwo ka degan gobolada kale ee cimiladoodu xumaatay,halkaas oo ay ka heli karaan nolol ka fiican tan gobolada cimiladu is bedeshay,waxay sidoo kale sheegeen in xayawaan badani u haajireen dhinaca qaaradda Afrika iyo Aasiya ,kuwaas oo ay shinnidu kamid tahay.
Khubarada ku takhasustay cilmiga Biology-ga ayaa sheegaya in aanay shinnidu u noolaan Karin meelaha kulaylka aan dabiiciga ahayni ka jiro,waxaanay intaas ku dareen in laga yaabo inay meelahay hadda tageen ee qaboobaha ahna iska tagaan ,iyaga oo u haajiraaya qaaradda Afrika meelo kamid ah.
Khubarada ayaa sheegay in  qaaradda Maraykanka iyo Yurub ay noqon doonaan meelaha ugu dambeeya ee ay shinnidu ka guurto ,madaama oo meelo badan oo kamid ah aanay ka heli Karin dhir ay ka samaysato waxay cunto.
Waxay khubaradani sheegeen in laga yaabo in la waayo ilaa 25% kamid ah noocyada kala duwan ee Shinnida ah,kuwaas oo ku nool qaaraddaha Amerika iyo Yurub.
 

Leave a Reply