Maxaad Ka Taqaanaa Toddobada Cabitaan Ee Ilaaliya Quruxda, Da’yarida Iyo Caafimaadka

0
299

Saynisyahano ka kala socday wadamo kala duwan ayaa soo saaray liis ka kooban toddoba cabitaan oo ay sheegeen inay yihiin kuwo ilaalin kara dhalinyara nimada qofka,quruxda iyo caafimaadkiisa oo ay wanaajinayaan,kuwaas oo ah waxyaalo ay awoodaan dadku inay cabaan ,inkasta oo aanay sheegin faa’iidooyin kale oo ay lee yihiin iyo sida loo isticmaalaayo.
Toddobadan waxyaaloo oo ay soo saareen khubaro ka kala socday wadmaada Ruushka,Japan,Maraykanka iyo Wadamada Yurub ayaa kala ahaa:
1:Shaahada Akhtarka ah:waxa laga helaa shaahan intiisa badan wadanka Chine,inkasta oo wadamada kale badankooda loo dhoofiyo shaahaasi,waana mid faa’iidooyin badan u leh dadka siday khubaradani sheegeen.
2:Roselle:waa shay sida shaaha oo kale oo isticmaalo,waana mid inta badan isku jir ah ,kana kooban maadooyin kala duwan,waa shay inta badan laga helo qaaradda Afrika,waxaana hore u isticmaali jiray dadkii Faraacida ahaa,waxaanay aaminsan yihiin khubaro badani inuu daweeyo xanuuno badan.
3:Coffee:waxa uu inta badan caawiyaa in ay sii socoto waxyaalaha uu jidhku qabanaayo,waxaanu ka shaqaysiiyaa wadnaha iyo xididada dhiiga qaada ama uu maro .
4:Cocoa:waa mid isku jir ah ,waxaanu ka hortagaa in dhiigu noqdo mid xinjirooba oo fadhiista,sidoo kalena waxa uu ka hortagaa xanuunka Cancer,Faaliga iyo macaanka.
5:Tamaandhada Sharaabka Laga Sameeyo:waxa uu faa’iidooyin u lee yahay dhinaca araga oo uu dhibaatooyinka arraga dadka kaga yimaada ka hortago,waxa kale oo uu u fiican yahay dadka xanuunka Cancer ka qaba.
6:Boiled Wild rose:waa sharaab inta badan laga sameeyo midhaha ubaxa,gaar ahaana ubaxyo gaar aha oo caan ku ah samaynta sharaabyada,waana mid isku jir ah,inkasta oo uu u badan yahay Vitamin C,waxa loo isticmaali jiray dawo ahaan laga soo bilaabo qarnigii 18-naad.
7:Nabdatu Ahmar:Cinabka cas cas,waa marka uu noqdo midhaha cinabku kuwo si fiican u bislaaday,waxa laga sameeyaa sharaabyo kala duwan ,iyada oo sidoodana loo cuno,haddii la cuno maalintii malqaacad midhahaas ah ama koob sharaabkiisa ah la cabona waxay keentaa awood jidhka ah oo qofku helo,sidoo kale wuxuu xoogeeyaa difaaca jidhka.
 

Leave a Reply