Saddex Sarkaal Oo Ka Baxay WADDANI, Markii Ay Xisbigaas Ku Eedeeyeen In Siyaasadiisu Noqotay Ma Dhalays

0
281

Hargeysa (Dawan)- Saddex sarkaal oo sar-sare ayaa iska casilay xilkii iyo xubinimaddii ay ka hayeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay arkeen in siyaasadda xisbigaasi madhalays tahay isla markaana ay talladii iyo awoodii xisbigu ku soo ururtay Guddida mus-dambeedka WADDANI oo ka soo wada jeeda beesha Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo kaliya.
 
Masuuliyiintan  iska casishay xisbiga WADDANI Waxay kala ahaayeen  Xoghayihii Arrimaha Gudaha  Mustafe Maxamuud Qodax, Xoghayihii Qorshaynta Cabdirashiid Riyo-raac Iyo Guddoomiyihii Garabka dhalinyarrada WADDANI Maxamuud Cabdilaahi Cabdi (Gaagaab) waxaanay istiqaaladooda ay kaga baxeen xisbiga WADDANI ay ku caddeeyeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Magaaladda Hargeysa.
 
Xoghayihii Qorshaynta ee xisbiga WADDANI  C/rashiid Riyo-raac , ayaa waxa uu sheegay in  is casilaadoodu ay ka dhalatay in  siyaasadda xisbiga WADDANI ay afgaran waayeen,  waxaanu  yidhi “Waxaan  halkan uga caddaynayaa shacabka reer Somaliland in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga WADDANI   iyo xubinimadiiba is casilaadaas oo ku timid sababo badan oo ay ka mid tahay in siyaasaddu tahay fikir la iskula tagay oo haddii la isku af-garan waayo ay tahay in qofku waxa uu diido uu iska casilo.”
Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee xisbiga WADDANI  Mustafe Maxamuud  Qodax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in isku afkaar noqon waayeen hogaanka xisbiga WADDANI.
“May ahayn wax noo calaamadsan inaanu mar ka wada baxno xisbiga WADDANI, laaakiin Saddexdayaduba waxa aanu gaadhnay  in waliba gaadhay heer uu arkay in aanu ku sii jiri Karin siyaasadda WADDANI,   waxaanan caddaynayaa in aan iska casilay xilkii xisbigaas aan u hayay iyo xubinimadiisiiba.  Waxa asbaabaha aan isku casilay ka mid ah inaanu isku afkaar noqon waynay Hoggaanka xisbiga WADDANI,”Ayuu yidhi Mustafe Maxamuud Qodax.
 
 
 
Xoghayihii hore ee Arrimaha Gudaha WADDANI waxa uu ku dooday in siyaasadda xisbigu tahay mid aan  jiho siyaasiya ku fadhiyin, waxaanu yidhi “Qaabka aan mucaaridnimadda u haysto ee xisbiga lagu hagi lahaa iyo qaabka hoggaanka xisbigu u haysto ee uu doonayo inuu  wax ku maamulo ayaanu  ku kala aragti duwanaanay. Markaa waxaan is leeyahay fikir madhalaysa ayuu iska noqonayaa meel aanad ku qanacsanayn  sida ay u shaqaynayso wakhti lumis ayay noqonaysaa ayaan is leeyahay inaad ku sii jirto.”
“Waxaanu uga baxay WADDANI markii aanu qancin kari waynay taageereyaashayadii oo ay nagu yidhaahdeen Baarlamaankii ayaad madax ka tihiin mudada loo kordhiyay, haddana waad dhaliilaysaan muddo kordintii. Arrinta muddo kordhinta Guurtiddu samaysay xisbigayagu qeyb ayuu ka yahay sababaha keenay,”ayuu yidhi Mr. Mustafe Qodax.
 
Sidoo kale, Guddoomiyihii Garabka dhallinyarrada ee xisbiga WADDANI  Maxamuud C/laahi Cabdi (Gaagaab) ayaa isaguna caddeeyay in uu ka baxay xisbigaas, waxaanu   yidhi “Anigoo miyirkayga iyo maankaygaba  qaba waxaan  maanta (shalay) halkan ummadda reer Somaliland uga caddaynayaa in xilkii aan u hayay xisbiga WADDANI  ee guddoomiyaha garabka dhallinyarrada ee heer qaran in aan iska casilay . waxaa  ay noqdeen itijaahii aan ugu tallo-galnay dhallinyarrada in aanay ka  fuli Karin xisbiga dhexdiisa,  taasi markaa waxa ay caddaynaysaa in aanaan wakhti dambe ku lumin Karin.”
Geesta kalena is casilaada saddexdan sarkaal waxay dhirbaaxo ku tahay xisbiga WADDANI iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo marba marka ka dambaysa sida xunbadda oo kale u sii shiiqaya.
Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply