Xarakaadka Suuqyadda Hargaysa iyo U Diyaar Garowga Munaasibadda Ciidul-Fidriga

0
305

Hargaysa (Dawan):  U diyaar garowga munaasibadda Ciidul-fidriga ayaa si weyn loogaga diyaar garoobayaa guud ahaanba caalamka islaamka, iyadoo lagu jiro maalmihii ugu danbeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa aad u camiray dadka ka dukaamaysanaya suuqyadda kala duwan ee dharka lagu iibiyo,   sida Bacadleyaasha iyo  dukaamadda kale ee loo yaqaano Super Market-yadda. kuwaasi oo la ciir-ciiraya dadka  aad u farro badan oo wax ka iibsanaya. Waxaanay  dadweynuhu meheradaha ka ganacsadda dharka ka iibsanayaan dharkii ay  ku ciidi lahaayeen, kuwaasi oo xataa   habeen iyo maalinba si xawli  wax uga iibsanaya suuqyadda caasimadda.
Waxaana suuuqyadda buux dhaafiyay dadka wax iibsanaya, iyadoo inta badan ay waalidiintu caruurtoodda ay suuqyadda keenaan si ay dharka ugu iibiyaan, kuwaasi oo isaga kala yimid degmooyinka iyo xaafadaha caasimadda halka ay dadka qaarkoodna ka yimaadeen degmooyinka iyo tuulooyinka u dhaw caasimadda Hargaysa.
 
 
Sida caadiga marka la gaadho tobanka danbe ee bisha Ramadaan ayaa ganacsatadda dharka iibiyaa waxay keenaan dhar aad u badan, oo isugu jira noocyadda dharka raga iyo dumarka gaar ahaana carruurta ayaa maalmaha ciidaha si gaar ah  dharka loogu iibiyaa,  oo ay waalidiintoodu uga farxiyaan.
Sidoo kale meheradaha dharka lagu iibiyo ayaa iyagna waxay maalmaha  ciidu soo  dhawaato waxay shaqaalaysiiyaan shaqaale dheeraad ah, iyadoo lagu arkayo in meheradkastaba ay ka shaqeeyaan ilaa toban qof iyo wax ka badan, inkasta oo taasi ay ku xidhan tahay hadba sida ay meheraduhu u kala waaweyn yihiin ama u kala suuq badan yihiin.
Suuqyadda dharka lagu iibiyo ee caasimadda Hargaysa  sida suuqa Waaheen ee badhataha magaaladda ku yaalla iyo suuqa   Gobanimo  oo ku yaalla xaafadda Idaacadda  oo ah  ka labaad ee ugu weyn suuqyadda dharka lagu iibiyo,  ayaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay saxmad  aad u badan, iyadoo xataa xiliyadda danbe ee habeenkii ay dadweynuhu ka dukaamaysanayaan meheradaha dahrka iibiya ee loo yaqaano Bacadlaha. Haddaba,  si aanu wax badan uga ogaano sida ay tahay xaaladda dhabta ah ee suuqyadda dharka Hargaysa iyo  halka uu marayo qiimaha dharku,   waxaanu   shalay  booqanay suuqa  Waaheen ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.  Waxaananu  wareysiyo kookooban  la yeenay qaar ka mid ah ganacsatadda bacadleyaasha ee dharka ciidda iibinaya iyo weliba  dadweynaha ku mashquulsan iibsiga dharka gaar ahaana waalidiinta carruurtoodda dharka u iibinaya.
Waxaanay noo sheegeen qaar ka mid ah Bacadleyaasha  oo aanu la sheekaysanay   in sanadkan uu qiimaha dharku aad uga  jaban yahay sidii ciidihii hore isla markaana  ay waalidiintu carruurtoodda ku ciidsiin karaan lacag aad u yar. Taasi oo u dhaxeysa $23 doollar ilaa $35 doollar, halka ciiddii hore uu dharku intaasi ka qaalisanaa.
“Dharka waxaanu ka keenaa dalalka China  iyo Turkiga.  markaa  Ciiddan  dharku wuu ka qiimo jaban yahay ciidii  sanadkii hore, Gabadha yari waxay ku ciidi kartaa $35 doollar, halka wiilkuna ku ciidi karo $23 doollar, markaa hablaha ayaa dharkoodu ka qaalisan yahay wiilasha”  sidaa waxa yidhi Maxamed Cali oo  ka mid ah ganacsatadda bacadleyaasha suuqa  Waaheen.
Sidoo kale qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda u iibinayey dharka ciidda oo aanu wax ka waydiinay  sida ay u arkaan qiimaha dharka  ayaa sheegay in  sanadkan  uu qiimaha dharku aad u jaban yahay,   arrintaasi ay aad ugu   faraxsan yihiin  inay si nabadgalyo ah dalkooda ugu ciidayaan.
Dhinaca kale ciidamadda booliska ayaa iyagna si weyn u sugayay amaanka caasimadda tobonkii habeen ee u danbeeyay bishan Ramadaan, waxaana lagu arkayay suuqyadda dharka laga iibsanayo ciidamo boolis ah oo gaaf-wareegaya, kuwaasi oo amaanka dadka shacabka si aad u ilaalinaya. Waxaanay booliska inta badan bulshadda wax iibsanaya ka ilaaliyaan Tuugta oo maalmaha  ciidaha ah ee ay saxmadda badani ka jirto suuqyadda uga faa’iidaysta in ay dadka wax iibsanaya iyo meheradahaba alaabooyinka iyo lacagaha ka xadaan.
By: Cabdi Maxamuud Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply