UNESCO oo Baadhitaan Weydiisatey Maxkamada Caalamiga ah

0
275

Hay’adda u qaabilsan qaramada midoobay dhaqanka ee UNESCO, ayaa weydiisatay maxkamada caalamiga ee dambiyada in ay baadho burburkii dhismayaasha qadiimiga ah ee magaalada Timbuktu, ee kooxda islaamiga ee waqooyiga Mali markii ay la wareegtay halkaasi sanadkii 2012-dii, la burburiyay.
Agaasimaha guud ee UNESCO, Irina Bokova, ayaa sheegay in burburintii waxyaabaha dhaxalka loo tixgaliyo dambiyo dagaal marka la eego cahdiga maxkamada Hague.
UNESCO ayaa booqatay Timbuktu, si loo xuso dib u dhiska afar iyo toban dhisme oo ay ku aasnaayeen muslimiin magac leh, kuwaasi oo lahaa taariikh fog oo u noqoneyso qarniyadii shan iyo tobanaad iyo lix tobanaad ayaa la burburiyay.
 

Leave a Reply