Cajaa’ibaadka Maskaxda

0
480

Maskaxda ayaa ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan jidhka aadamiga ee yaabka leh. Maskaxada aya xukunta qaabka dareenka jidhka oo dhan kaasi oo inoo ogolaanaya dhaqaaqa, hadalka, neefsashada, iyo fikirka. Arrimahaasi waaweyn marka la eego maskaxadu waa xubin muhiim ah oo an la qiyaasi Karin.Maskaxadu waxay ka kooban tahay balaayiin unug, waxaana jira inay u bahaan tahay aqoon balladhan si wax badan loog ogaado shaqadeeda.
Barashada dareen wadayaasha maskaxada (neurolojiga) iyo daraasadda cilmi nafsiga aya ah kuwo xidhiidh la leh maskaxda. Cilmiga psychiatry aya isna ah mid muhiim ah.
Dhamaan daraasadda hawlahaasi waa kuwo soo jiray ilaa muddo fog. Wakhtigan aan joogno waxay ahayd in wax badan laga ogado maskaxda iyo sida ay u shaqayso, laakiin iyagoo aadamigu waday kumanaan sanadood barashada daraasadda maskaxada iyo sida ay u shaqayso, haddana runtii ila maanta waxa jira qayb badan oo aaan cidina waxba ka ogayn siday u sheqeeyan sababtoo ah maskaxdu waa mid adag oo muhiim ah.
Waxaana jira in aqoon la’aantaasi ay keentay in la sameeyo khurafaad badan oo dhinaca maskaxda ah oo laga faafiyay oo badankoodu aanay sax ahayn.
In badan oo ka mid ah xayawaanka aya maskaxdooda baadhis lagu sameeyay kuwaasi oo la dhaqan ah aadamiga sida marka ay xalilayaan mushkulad ama naxariista ka muuqanaysa.
Waxase yaab noqotay in culimadu heli weyday sababta qof ka dhigi karta mid caqli badan “Smart”, iyagoo qiray in aadamigu yahay kan makhluuqa oo dhan ugu maskaxda badan. Waxase jirtay fikrad ahayd in qofba kan uu madax weyn yahay uu ka caqli weyn yahay laakiin taasi may noqon arrin xaqiiqi ah.
Celceliska Miisaanka maskaxda aadamiga ayaa lagu qiyaasay inuu gaadho 1361 Gr iyadoo Hoombarada badda ku jirta oo ka mid ah kuwo ugu maskaxda badan xyawanka uu iyadana noqday miisaanka maskaxdeedu 1361 Gr, halka Nibriga oo isna lagu tiryo kuwa aan maskaxada fiican lahayn uu gaadhay miisaanka maskaxdiisu 7800 gr. Haddii aynu xayawaanad yaryar eegno miisaanka maskaxda Eyga nooca ugaadhsiga aya noqday 72 Gr, daayeerka nooca Orangutan ayaa isna noqoday 370 Gr. Nooca eygan iyo dayeerkan aya ah kuwa ugu maskaxda badan haddana maskaxdoodu way yar tahay halka Nibriga oo lagu tiriyo kuwo ugu maskxada xun ay weyn tahay.
Waxana halkaasi ka cadatay in miisaanka iyo weynaanta maskaxdu aanay xidhiidh la lahayn caqli badnaanta, sida ay dad badani aaminsanaayeen in qofka madaxa weyni uu maskax ka badan yahay kan madaxayar. Miisaanka jidheed ee hoombarada aya lagu qiyaasay inay tahay 158 Kg, halka Nibrigana lagu qiyaasay inuu gaadho 13 Ton, waxana halkaasi ka cad mar kasta oo uu jidhku weynaado in lafuhun ay waynaanayaan, laakiin aanay jirin xidhiidh ka dhexeeya miisanka jidheed iyo maskax iyo caqli badananta (Smart).
 
 

Leave a Reply