Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn

0
337

Marka mas’uul xil loo magacaabo meeshay doonto ha ahaatee, waxa ay ujeeddada loogu dhiibay mas’uuliyaddaas ay tahay, inuu kaalinta uu ku leeyahay xilkaa loo igmaday uga soo dhalaalo sidii laga rabay.

Horumarinta, toosinta, maamul wanaajinta iyo wax kasta oo uu  u arko inuu sidii hore si ka wanaagsan wax uga beddeli karo hannaanka hawshu u socoto, waa inay ahaataa mid ku salaysan xeerarka u degsan Hay’adda loo dhiibay xilkeeda iyo sidoo kale Dastuurka dalka labadaba.

 

Waxa waajib ku ah mas’uulkaa inaanu wax allaale wixii dhibaato u keenaya bulshadda iyo qaranka jiritaankiisaba ee khusaysa hawlaha loo xil-saaray aanu indhaha ka qarsan isagoo eegaya waxyaabo kale ama dano kale oo gaar ahaaneed. Berri ka maalin wixii fadeexado ama qalqalooc kale oo hoggaan jilicsanaantu  ka mid tahay ee ka soo if baxa meeshii xilkeeda lagu aaminay cidda koowaad ee yeelanaysaa  masuuliyaddaas waa ciddii lagu aaminay inuu uga soo baxo siday tahay.

 

Waxaan uga socdaa aaraartaa kooban ee aan sare ku soo xusay, in mas’uuliyiinta Baanka Dhexe ay iska dhaafaan baalla-deymoodka oo ay ku dhiiradaan wax ka qabashada sarrif-bararka iyo sicir-bararka ay innagu hayaan Shirkadaha Isgaadhsiinta JSL ee ka ganacsada adeegga [Mobile money ] oo uu ka ugu khatarta badani yahay, kan loo yaqaan adeegga (ZAAD) oo ah mid u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto intay goori-goor tahay.

 Xaqiiqo jirta oo dhibaatadeedu kuu muuqato haddaad si degdeg ah isaga moosi weydo, muran kuma jiro in cidii mas’uuliyaddaa lahayd ee gacmaha ka laabatay wax ka qabashadeeda waqtigii ay ku habbooneyd uu noqonayo ka koowaad ee ay dambarsanayso. Wax cudurdaara iyo marmarsiiyo kale toona, ma noqon doonaan kuwa ka maydha ceebtiisii xil gudasho la’aaneed.

 

Sidaa darteed, maanta Somaliland ma qaadi karto in dhaqaalihii yaraa ee waddanka uga soo xeroon jiray dibedda iyo kii gudaha ka soo baxayeyba ee ahayd lacagta adag, in shakhsiyaad gaar ahi ku shubtaan Bangiyo dibedeed, shacbiga reer Somalilandna u qeybiyaan lambarro ay iyagu dib wax ugu kala iibsadaan oo u beddel u ah lacagtii adkayd ee ay innaga xeraysteen. Waxa tan ka sii darran in aanay jirin wax damaanad ah oo ay dadka  isticmaala adeegga Zaad ka haystaan Shirkadda Telesom oo ah mida ay bulshada ugu badani isticmaasho iyo kuwa kale ee aan weli hanaqaadka ahayn toona. Ka sii darrane, haddaad Lowyacaddo uga gudubto dhinaca xadka Jabuuti lambarkii uu adeegga Zaad kuugu soo shubay Telefonkaaga ee lagaaga beddeshay lacagtaadii, koob shaah kagama cabbi kartid ee bal haddaba maxaad yeeli markaa illeyn Zaad lacagtaadii kuugu soo celin maayee? Bal Adba!!!

Halkaa waxa kale oo si aan mugdi ku jirin uga aragnaa, in kaalintii loo abuuray Baanka Dhexe iyo masuuliyiinta  kale ee qaabilsanaa hawshan ee Baananka Ganacsiga  , balse iyagu  damaanadooda oo lacag adag ah oo u dhiganta ta ay rabaan inay seyladaha lacagta kaga shaqeystaan  u dhigayey Baanka Dhexe, ay maanta si xeer la’aan iyo damaanad la’aan ahba u galaa wareegeen hawlahoodu, Shirkadaha[ Mobile money] u adeegsada kaalintii Bangiyadaana yihiin kuwa waqtigan la joogo awoodda u leh kaalintii kaantaroolka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa lacagaha.

 LA  SOCO…………………

Leave a Reply