Fadeexada Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed

0
310

Waxaa la ogaaday in hay’adda sirdoonka ee Kuuriyada Koofureed ay barnaamij kombiyuutar ka soo iibsatay sharikad Talyaani ah, taas oo u suurta gelisay in ay galaangal u yeeshaan telefoonnada gacanta intii lagu jiray doorashadii madaxtinimada ee ugu dambaysay.
Arrin hadda shaki badani ku wareegsan yahay, qofkii shaqaalaha ahaa ee ku lugta lahaa kombiyuutarrada loo dhacay ayaa la helay isagoo meyd ah, isagoo ka tegay qoraal uu ku qiranayo inuu isu-dilay inuu xog ka tirtiray kombiyuutarka.
Qoraalku waxaa uu muujinayaa in la socodka telefoonnadu ay ahayd oo keliya in la fiiriyo dadka xidhiidhka la leh Kuuriyada Woqooyi, ee aan loola jeedin in lagu waxyeelleeyo madaxweynaha haatan talada haya ee siyaasadda midigta dhexe.
Fadeexad kale oo taas ka duwan, ninkii madaxda ka ahaan jiray hay’adda mukhaabaraadka ayaa xabsiga la dhigay sababtoo ah dad u shaqeeya hay’adda ayaa siyaasiyiin mucaarad ah warar xun-xun uga sheegay website-yo intii ay socotay doorashada madaxtinimadu.
Sannadihii 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii, ninkii madaxda ka ahaa hay’adda sirdoonka waxaa uu ku lug yeeshay falal afduub iyo dil isugu jiray.
Xaaladdaas oo kale hadda kama jirto dalka hase ahaatee siyaasiyiinta mucaaradku waxay hadda ku eedeynayaan hay’adda inaysan siyaasad ahaan dhexdhexaad ahayn, ayna jebinayso qaanuunka dalka u yaal.
 

Leave a Reply