Gacanka Siinaay oo lagu Weeraray Madaafiic

0
336

Koox loo maleynaayo inay mintidiin yihiin ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen laba baro-koontorool oo ciidamada Masar ay ku leeyihiin gacanka Siinaay.
Madaafiicdaasi waxaa lagu warramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan shan askeri.
Labada xarun ee Militariga Masar ay leeyihiin ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwii dhowaantan ay weerareen koox xidhiidh la leh ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka.
Ugu yaraan 17 askeri ayaa weerarkaasi ku dhimatay, iyadoo kooxdaasina ay saacado haysteen goobihii ay weerareen.
 

Leave a Reply