Boorame(Dawan):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa shacabka reer Boorama ugu baaqay inay nabadda ilaashadaan isla markaana ku waaniyay in ay isku duubnida iyo wada jirka ummadda ku midaysnaadaan.
Waxaa kale oo uu guud ahaan bulshadda reer Somaliland kula dardaamay in ay horumarka iyo geediga hayaanka ah ee ay caalamka ku higsanayaan in ay halkaa ka sii wadaan,isagoo ALLE na uga baryay in uu abaarta ka jabiyo oo uu u shubo raxmaddiisa.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaa sidaa ka sheegay casuumad sharafeed hadhimo oo uu u sameeyay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) shalay Madaxweynihii hore.
“Waxa aan Alle idinka baryayaa reer Boorame wixii u ahaa Astaanta inaad halkii ka sii waddaan ,nabad iyo Taariikh ayaad samayseen ,Taariikhdaasi ayaanay lumin ayaan idin leeyahay,dhibaatada abaartana ALLE ha innaga saaro,”ayuu yidhi Md Daahir Riyaale.
Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay .“Waxa aan ummadda u rejaynayaa hayaanka qarankeenu ugu jiro madax-banaanidiisa iyo horumarka inay halkaa ka sii waddaan,khayr ayaan idiin rajaynayaa inaad isku duubnaataan ayaan idiin rejaynaa inaad nabadda ilaashataan ayaan idiin rejaynaa, inaad wax wada qabsataan ayaan idiin rejaynayaa.”
Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale ayaa bil ka hor dalka ku soo noqday kadib markii uu in muddo ah ku maqnaa dalka dibaddiisa.