Immisa Koob Oo Biyo Ah Ayuu Jidhkaagu U Baahan Yahay

0
971

Waxa laga yaabaa inaad marar badan ka maqasho dhakhaatiirta iyo hay’addaha ka hawl gala nolosha aadamaha baahida biyo nadiif ah oo dadku helaan iyo meelo laga dayrinayo nolosha oo la sheegayo in biyo yaraani ka dhacday. Waxa kale oo qof kasta oo muslim ahii qirsan yahay in biyuhu yihiin nolosha koowaad ee dunidda, sida Alle (SW) Qur’aankiisa ku sheegay.
Haddaba biyo kugu filan oo inta koob ee jidhku u baahan yahay maalintii haddii aad hesho miyay daboolayaan dhamaan macdanihii jidhka ka lumay ama uu u baahnaa. Waxa arrintaa faah faahin ka bixinaysa cilmi baadhis cusub, oo laga sameeyay heerka biyaha uu jidhka aadamigu u baahan yahay iyo bal inta ay ka dabooli karaan wixii macdano iyo fiitamiino ka lumay shaqada iyo qorax kulaylka xagaaga awgeed. Cilmi baadhistan oo laga sameeyay dalka Britain laguna daabacay wargeysyada ka faalooda arrimaha caafimaadka ayaa lagu sheegay in aanay wax jira ahayn figrada dunidda ku faaftay ee ah in qofku maalintii cabo 6 ilaa 8-koob oo biyo ah ama wax u dhigma afar litir, hasa yeeshee waxay cilmi baadhistani ku talinaysaa in la badsado cabista biyaha oo inta naftu u baahan tahay ay dhab ahaan tahay inta haraadkaagu gaadhsiisan yahay. Inkastoo warbixintani sheegtay in biyaha laftoodu u baahan yihiin waxyaabo ku amateed galiya in lagu shubto sida weel quruurad ah oo ay ka muuqanayaa isla markaana la qaboojiyo si naftu qaadashadooda raali uga noqoto.
Haddana waxay cilmi baadhistan daaha ka rogtay in biyaha uu qofku maalintii cabaa si buuxda u daboolayaan qiyaastii macdanaha ka baxay jidhkiisa ee uu qofku u baahnaa, isla markaana aanu u baahnayn inuu wax kale oo macdano ah qaato. Meelaha xeebaha ah waxa wanaagsan in dadka ku nooli badsadaan isticmaalka Kaluunka si ay ugu soo noqoto Kaalshiyamta iyo macdano tira badan oo ka baxayaa. Waxa kale oo daraasadani ka dayrisay biyaha la sifeeyo ee laga saaro macdanaha badan inay keeni karaan in isku miisaanta jidhka ee qofku lunto, waxaanay ku talinaysaa in biyaha ceelasha ee nadiifta ah ama kuwa qasabadaha ee dabiiciga ah la badsado si macdanaha dabiiciga ah ee ku jira naftu uga hesho. Isku soo wada duubo waxay warbixintan caafimaad daaha ka rogtay in biyuhu kaligood dabooli karaan wixii macdano jidhka ka lumay ee qoraxda ama shaqada kaaga baxay.
 
 

Leave a Reply