Ingiriiska oo Sharciyo Adag ka soo Saaray Gudniinka

0
297

Dawladda Britain ayaa sheegtay inay baasaboorada ka qaadayso dadka loo tuhmo inay caruurtooda debedda ku soo gudayaan, iyaga oo la kulmaya ciqaabo kala duwan.
Arrintan ayaa ka mid ahayd khudbad dheer oo uu jeediyey Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron oo uu kaga hadlayey siyaasadda dalkiisu kula macaamilayo dhalinyarada ku biiraysa kooxaha xagjirka ah gaar ahaan kooxda ISIS oo uu khudbaddiisa xoogga ku saaray.
Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa Isniintii jeediyey khudbad dheer oo uu xoogga ku saaray la dagaalanka kooxaha xagjirka gaar ahaan kooxda Daacish oo ay ku biireen dad badan oo u dhashay dalkiisa.
Ra’iisal wasaaraha Britain oo jeediyey khudbad socotay illaa 52 daqiiqadood wuxuu kaga hadlay arrimo kala geddisan oo ay ka mid tahay sababaha keena xagjirnimada, doodaha ay soo bandhigaan dadka dhalinyarada ku qanciya arrimaha xagjirnimada iyo weliba siyaasadaha dalkiisu doonayo inuu wax kaga qabto:
“Waxaan doonayaa inaan sharaxo waxa aan ka aaminsanahay inaynu u baahanahay inaynu qabano ka dal ahaan si aynu u jebino xagjirnimada, isla markaana aynu u xoogayno wada noolaanshaha bulshooyinka kala duwan.
Arrintani waa inay ka bilaabantaa in la fahmo khatarta ay waajahayno iyo sababta aynu u waajahayno. Waxa aynu la dagaalamayno oo ah Xagjirnimada Islaamiga ah, ayaa ah caqiido xagjir ah.” Ayuu yidhi Mr. Cameron.
Ra’iisal Wasaare David Cameron ayaa khudbadiisa ku sheegay tallaabooyin kala duwan oo laga qaadayo dadka loo arko inay ku lug leeyihiin falal la xidhiidha xagjirnimada waa sida uu sheegaye.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo jeediyey in dib loo eego arrimaha horseedaya xagjiraynta dhalinyarada ama in dad u dhashay dalkiisa in looga gacan haadiyo bariga dhexe si ay uga dagaal galaan.
Ka sokow tallaabooyin ad-adag oo laga qaado dadka ay soo galaan tuhumada arrimahaas la xidhiidha, dhinaca kale wuxuu soo jeediyey in dib loo eego meelo badan sida in dib loo habeeyo waxa ka dhex socda xabsiyada dalkooda ama baraha isgaadhsiinta bulshada.
Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameroon ayaa sidoo kale ku dheeraaday arrimaha la xidhiidha gudniinka Fircooniga ah isaga oo faahfaahiyey sharci cusub oo dhigaya in baasaboorada lagala noqdo hablaha loo tuhmo inay u safrayaan debedda si loogu soo gudo.
Mr. Cameron ayaa sheegay in tallaabooyin adag laga qaadayo waalidka lagu helo inay hablohooda debedda ku soo gudayaan

Leave a Reply