Mareykanka: Doorashada Burundi kalsooni kuma dhisna

0
289

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kirby, oo ka hadlay doorashada ka socoto dalka Burundi ayaa ku tilmaamay doorashada in ay tahay mid uga sii dareysa sumcada liidato ee xukuumadda Burundi.
Doorashadan oo ay qaadaceen dhowr ka mid ah murashaxiinta mucaaradka, ayaa waxaa las oo sheegayaa in dad aan sidaa u badneyn ay u soo baxeen dhiibashada codkooda.
Balse kuwa kale oo ka mid ah codbixiyayaasha ayaa waxay codkooda kaga dhiibanayeen safaf dhaadheer tuulada uu ku soo jeedo madaxweyne Nkurunziza ee Buye.
Madaxweynaha oo baaskeelat  ku yimid goob codka laga dhiibanayo, ayaa weriyayaasha u sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay dimuqraadiyada Burundi.
Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay dalkaasi Burundi tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha bishii April, xilligaasi oo uu madaxweyne Nkurunziza shaaciyay in uu mar saddexaad isu sharaxayo hogaanka dalkiisa.

Leave a Reply