Isticmaasho Ku Dedaal

0
690

Inta badan waxa  laga yaaba in filimida oo kleiya aan ku aragno sixirka iyo alaabooyinka loo adeegsado.   Laakiin dalka Togo ee ku yaalla galbeedka Afrika caasimadiisa Lome waxa jira suuq  weyn oo lagu magacaabo suuqa sixirka.
 
Suuqan ayaa lagu iibiyaa badeecado iyo alaabooyin cajiib ah oo loo adeegsado sixirka madow iyo waxayaabo kale oo loo isticmaalo cilaajayada iyo xanuunada nafsaaniga ah.
 
Suuqani waxa kale oo uu ku yaalla dalka la jaarka ah Togo ee Benin iyo dalka kale ee Haite. Dalalkan ayaa aad looga isticmaala sixirka madow.
 
Suuqan waxa laga helaa alaabooyin aad u yaab badan waxaana ka mid ah Madaxyada Dacawada, Maso lugalayda, Daayeerada iyo Madaxayada Masaska waaweyn ee Cobra. Waxa kale oo ay iibsadaan dadka doonaya inay sixir sameeyaan Madax Yaxaaska, Bisadaha dhintay, dabayooinka lo’ada, Faradaha, geesaha xayawaanada kala geddisan iwm. Waxa kale oo laga helaa lafaha aadamiga. Waana suuq qofka caadiga ah ku abuura khalkhal iyo, naxadin badan.
 

Leave a Reply