“Macquul Maaha In Dimuquraadiyadda Somaliland U Dabranaato Dagaalada Soomaaliya” Jenny Sonesson

0
416

Hargeysa(Dawan):- Jenny Sonesson  oo ka mid ah  hoggaanka sare ee Xisbiga  liberal –ka ee dalka Sweden,ayaa dalkeeda iyo midawga Yurub ugu baaqday in ay aqoonsadaan jamhuuriyadda  Somaliland waxaanay intaa ku dooday  in Somaliland ay tahay dawladda kaliya  ee ka jirta dalalka Geeska Afrika ee ay ka dhacday doorasho dimuquraadi ah oo ay  hoggaanka waddanka hayso Xukuumad la soo doortay oo dadwaynuhu u codeeyeen.
Jenny Sonesson   oo ah siyaasiyad  dalkeeda  aad looga tix-galiyo isla markaana xilal badan ka soo qabatay ayaa Isniintii  Wargeyska caanka ah ee Dagens Industri  ee ka soo baxa dalka Sweden waxay ku qortay war aad u dheer oo ay kaga hadlayso Somaliland iyo waxay qabsatay iyo hankeeda  siyaasadeed ee hoggaanka dalka oo ay sheegtay in uu yahay mid aan caalamka ka doonayn in ay  caawimooyin waydiistaan laakiin diyaar u ah  in ay wax qabsadaan isla markaana soo jiitaan maalgashadayaal caalami ah.
Waxaa kale oo ay dawladda dalkeeda iyo midawga Yurub ku canaanatay in Dimuquraadiyadda Somaliland ay u dabranaato Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen ee aan lahayn nidaam dawladeed oo meel kaliya ka shaqeeya.
Waxaa kale oo ay ka hadashay Somaliland gobolka ay ku taallo dhibaatooyinka ka jira iyo sida ay uga dhex baxday una tahay dawlad ka duwan duruufaha ku xeeran
“Anigu waxaan Somaliland booqday laba goor waxaanan u qushuucay waxay qabsadeen shacabka Somaliland. In dimuqraadiyad laga dhiso gobal ku calaamadsan meelaha dunida ugu qaska badan waa guulaha ugu badan ee ay dimuqraadiyadu gaadhay waxaanay u qalmaan in indho gaar ah dibadda lagaga eego. Waa in Sweden iyo Midowga Yurub aqoonsadaan Somaliland,”ayay ku  dooday siyaasiyadaasi.
 
Jenny oo qoraalkeeda sii watada ayaa intaa ku dartay “Somaliland waxay doonaysaa inay Geeska Afrika ka dhisto qaran shaqaynaya oo la dagaalama argagixisada. Gobalka Geeska Afrika dawladda keliya ee si dimuqraadi ah loo doortay waa Somaliland.”
Waxaa kale oo ay qoraalkeeda  kaga hadashay warbixin 2006-kii ay soo saareen  Mdiwoga Afrika  oo ay ku sheegeen in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee lagu aqoonsan lahaa dawladnomada qaranka Somaliland  waxaanay intaa ku dartay in dad ka  mid ah Midawga Afrika oo aanay ka hirgalin dimuquraadiyadu oo ay ku sheegtay in  ay ka jiraan nidaam kali talisyo  ahi in ay hor taagan yihiin aqoonsiga Somaliland waxaanay dawladda Sweden ugu baaqday in ay aqoonsato Somaliland isla markaana qadiyadda Somaliland horgeyso oo ay kaga doodo miiska midawga Yurub.“Midowga Afrika wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii aqoonsi ee qaran. Laakiin wadamo ka tirsan Midowga Afrika oo ah keligii taliyayaal ayaa doonaya inaanay Somaliland noqon qaran madaxbanaan. Sweden oo aqoonsatay Falastiin, waa inay Midowga Yurub dhexdiisa uga shaqaysaa sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.”
 
“Siyaasiyiinta Somaliland ee aan la kulmay waxay dhisayaan qaran shaqeeya oo tusaale u noqda Geeska Afirka iyo gobalka oo dhan. Ma baryayaan caawimo, waxay doonayaan inay soo jiitaan maalgashadayaal caalami ah. Waxay doonayaan inay la dagaalamaan aragagixisada iyo budhcad badeeda,”ayay tidhi Jenny Sonesson.
 
Ugu dambayn waxay qoraalkeeda ku soo gunaanaday, “In badan oo ka mid ah qurbe joogtu waa inay  noqdaan  oo ay dhistaan waddankooga. Macquul maaha in dimuqraadiyada Somaliland ay u dabranaato dagaalada Soomaaliya. Haddii ay Swedan run ka tahay taageerista xuquuqda aadamuhu iyo ganacsiga Geeska Afrika waa inaynaan ka aamusin Somaliland oo u taagan la dagaalamka Al-Shabaab.”
Muddooyinkii ugu dambeeyay  ayay Xukuumadda Somaliland ku hawlanayd awood badana saartay  kasbashada beesha caalamka iyo in ay dalalka adduunka  hal doorkooda iyo siyaasiyiinta waddamada Yurub ka kasbato siyaasiyiin iyo xildhibaano caalamka ergay uga noqda oo qadiyadda aqoonsiga Somaliland u soo bandhiga dawladahooda iyo golayaasha wakiilada ee ay ka tirsan yihiin waxaana qaarada Yurub ka socda dhaq dhaqaaqyo xoogan oo  dawladaha Yurub lagaga dhaadhicinayo in ay aqoonsadaan Somaliland.
Waana tallaabo dhanka hir galinta qadiyadda qarannimada Somaliland ah oo ay qaaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo shan sano oo kaliya xilka haysay isla markaana caalamka ku yeelatay saaxiibo badan oo u dhaq dhaqaaqa aqoonsiga Somaliland caalamka uga baahan tahay iyadoo intii Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay markii ugu horraysay Somaliland aqoonsi ka heshay golayaal deegaan oo ka tirsan dalka Ingiriiska.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply