Hargeysa(Dawan):-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax,ayaa sheegay in goleyaasha qaranku sharci yihiin oo ay jirayaan illaa la gaadho muddo xileedka ay guurtidu u kordhisay oo ah April 2017 wakhtigaas oo bil ka hor doorashooyinkana loo muddeeyay.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray xisbiga yidhaahda goleyaasha qaranku sharci maaha in ay odhan doonaan xisbiyadu xasaanad ma laha.
Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in golaha Wakiiladu doorasho gelayo xilli aan ahayn ka ay guurtidu cayintay. “Haddii Mucaaradku yidhaa goleyaashu ma jiraan, sharciga ayay ku gefayaan. haddii qolada Xukumaddu december doorashada qabsanayso, annaga teeramkayagu waxa weeye 20-ka April, 2017-ka, wakhtigaas baa golaha wakiillada loo kordhiyay. Doorashada wakiilladana waxay ka horaynaysaa bil oo 27 March inaanu doorashada u tartano ayuu sharcigu dhigayaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Waxaanu intaa ku daray in ay sharci darro tahay in asxaabta mucaaridku ay yidhaahdaan goleyaasha qaranku ma jiraan taasoo uu tilmaamay in ay meel ka dhac sharci tahay isla markaana ay gole ahaan odhan doonaan xisbiyadu xasaanad ma haystaan.waxaanu gabi ahaanba meesha ka saaray in ay wax ka quseeyaan heshiiskii ay asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen ee ay ku heshiiyeen in doorashooyinka la soo hor mariyo oo la qabto Desember 2016-ka.
”Markaa haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladdi ma jirto, anaga Wakhtigayagu wuxuu ku eg yahay March, 2017 oo aanu doorashada galaynaa, xukumaddu hadday december galayso waa fasax illayn iyagaa marka horeba wax la saxeexday Mucaaradkee. Xisbigii yidhaahda goleyaashu ma jiraan waxaanu u sheegaynaa inaanu odhan doono Xisbiyadu xisaanad ma leh, goleyaasha wakiillada iyo guurtida ayaa xisaanad leh, intaana waxaanu ka dhawrsanaynay inaanu nidhaa asxaabta mucaaradku ma jiraan oonu waliba go’aanno iyo sharciyo ku soo saaro hadday ka waantoobi waayaana way imanaysaa,” ayuu mudane Baashe.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka “Haddii ay Xisbiyaddu Yidhaahdaan Goleyaashu Ma Jiraan, Waxaanu Odhan Doonaa Asxaabtu...