Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Sheekh Sooraan Oo Lagu Aasay Hargeysa

0
466

Hargeysa (Dawan): – ALLE ha u naxariistee waxa shalay Xabaalaha Naasahablood ee magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyay Marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo  ku geeriyooday   Hargeysa, waxaanu marxuumku  muddo u jiifay xanuun haleelay.
Aaska marxuum Sooraan, waxa  ka soo qaybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Culimadda dalka, Abwaano iyo dadweyne kale oo aad u danaynayay ka qaybgalka aaska Marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooran.
Masuuliyiintii iyo  Abwaanadii ka soo qaybgalay aaska marxuumka ayaa ka waramay shakhsiyadiisii iyo kaalintii uu marxuumku ku lahaa bulshada.  Waxaanay   sheegeen inuu ahaa adoon ku caan ahaa ALLE ka cabsi joogto ah iyo quudinta dadka danyarta ah.
 
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa qoyskii, eheladii, iyo shacbigaba  ka tacsiyadeeyay    geerirda ku timid  ALLE ha u naxariistee  Marxuum  Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan, waxaanu ALLE uga baryay inuu naxariistii jano fardawsa ka waraabiyo.
 
 “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015  ku geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuumku ka mid ahaa culimo awdiinka dalka in mudo ahna ka adimi jiray Masjid nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimada, isaga oo horena uga mid ahaa bahda fanka iyo suugaanta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u baahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida weyn looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaaliu degto.
 
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dhinaca kale Guddoomiyeyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Golaha Wakiilada iyo xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa eheladii iyo shacbiga reer Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timi ALLE ha naxariistee Marxuum Sooraan.
 
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  Cabdilaahi Diiriye Sooraan qoyskii reer diiriye sooraan,Qaraabadii, eheladii, asxaabtii, bahwaynta fanka iyo qarankan Somaliland ee  uu ka baxay  Marxuum Cabdilaahi Diiriye (Sooraan) oo ku geeriyooday  magaalada Hargeysa  .Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo  Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba  Samir iyo Iimaan ka siiyo.” Ayuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
 
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdiaahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka Golaha Wakiilada iyo ka Xisbiga WADDANI Wuxuu Tacsi U Dirayaa Culimada  cuqaasha salaadiin Boqorada wax-garad iyo bah-weynta fanka & Sugaanta  Iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan Oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cirro ayaa Ku sifeeyay Marxuumka inuu ahaa nin cibaado badan oo  taqwo iyo ALLLE ka cabsi ku can baxay,  Isgaa hadda  ka mid ahaa culimada dalka waxaanu sidoo kale ahaa Marxuum Sh.Cabdilaahi Sooraan Mu’adin ka Eedaama Masaajidka Nakhiil ee Magaalada Hargeysa.
 
 
 
Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kalena wuxuu tacsi taas lamid ah  u dirayaa Eheladii, Asxaabtii, Qarabadii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye  Sooraan oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa  22, 07, 2015.
 
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ILAAHAY uga baryAyaa inuu janatul Fardawsana ka waraabiyo, Ehelkii , Qaraabadii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply