Maxkamadda Sare Oo Dersaysa Sharciyadda Dacwad Been Abuur Ah Oo Xisbiyadda Mucaaridku u Gudbiyeen

0
402

Hargeysa (Dawan):- Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI,ayaa dacwad been abuur ah oo gef ku ah hanaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxay u gudbiyeen Maxkamadda sare ee Somaliland, Waxaanay sheegeen in loo diiday inay xisbiyaddu qabsadaan shirar ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka. Taasi oo gabi ahaan-ba ah mid waxba kama jiraan ah.
 
Waxay labada xisbi mucaarid ku sheegeen dacwadooda ay maxkamadda sare u gudbiyeen in loo diiday shirar ay asxaabta qaranku kaga  wada hadlayeen arrimaha doorashooyinka taasoo gabi ahaanba ah mid aanay waxba ka jirin  oo aan dhicin  in loo diiday asxaabta qaranku in ay ka wada shiraan arrimaha doorashooyinka.
 
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo taliska booliska ayaa amar ka soo saaray in aan hudheelada iyo hoolalka xafladaha lagu qabto in aan  lagu qaban karin shirar aan sharci ahayn oo ammaanka wax yeelaya.
Tallaabadda  hay’adaha ammaanku qaadeen ayaa ka dambaysay kadib markii labada  xisbi mucaarid u gudbiyeen Maxkamadda oo ay kaga dacwoonayeen wasaaradda arrimaha Gudaha ka hor istaagtay shir qaranimadda lagu waxyeelaynayo oo ay kooxda sharci darrada ah ee madashu xisbiyadda mucaaridka ka saxeexday.
 
 
Dacwadda ay Maxkamada sare u gudbiyeen ayaa gabi ahaanba baalmarsan go’aamada ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo booliska ay eedaynayaan  oo ah mid ay  ku majaro habaabiyeen,.waxaanu u dhignaa qoraalka ay Maxkamadda sare u gudbiyeen WADDANI iyo UCID sidan.
 
Ku: Maxkamadda Sare ee Somaliland
Ujeedo: dacwad hor dhac ah oo idaari ah.
Labada xisbi qaran ee UCID iyo WADDANI waxay Maxkamadda sare ee sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaan cabasho aanu ka qabno Wasiir ku-xigeenka amniga,taliyaha booliska iyo guddoomiyaha gobolka Maroodijeex,sadexdaba. Kuwaasoo ka baahiyeen qalabka warbaahinta. Nuxurka amarradaas kala gedisani waxay ku soo ururayaan.inaan xisbiyadda qaranku isugu iman Karin shir ay ku balameen inay kaga wada hadlaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka oo  mudadoodii muran ka taagan yahay.
.inay amar ku soo rogeen hudheelada magaalada inaan xisbiyadu shirar ku qabsan Karin.
Waxaanu qabnaa in amarradaasi lidi ku yihiin sharciyadda xisbiyadda qaranka,xuquuqda aasaasiga ah ee  muwaadinka iyo dastuurka qaranka intaba.
Sidaa darteed,  waxaanu Maxkamadda sare ee sharafta leh ka codsanaynaa in ay  hakiso ammaradaas  lidka ku ah xeerka xisbiyada,xuquuqda distooriga ah ee muwaadinka iyo xorriyaadkii ganacsiga intaba.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in qoraalka asxaabta mucaaridku u soo gudbiyeen uu soo gaadhay isla markaana ay dersayaan waxaa uu sharcigu ka qabo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply