Qaramada Midoobay : Magaalo Dadkii Ku Noolaa La Waayay!

0
394

Sanadkii 2001 koox ka socotay qaramada midoobay ayaa tagtay magaalo lagu magacaabo Somoto oo ku taalla dalka Kongo si ay u gaadhsiiyaan kaalmo raashin iyo ah caafimaad oo ay u sideen. Magaaladu waxay ahayd  mid  caadi oo la mid ah magaalooyinka kale ee waqooyiga Kongo waxaana ka jiray gaajo , fakhri iyo xanuunu.
Kooxdan ka socotay qaramada midoobay markii ay gaadheen kamay helin qofna dadkii magaalada ku noola, iyagoo gaadhay  subaxnimo hore bishii Feberweri.
Guryuhu waxay ahaayeen kuwo aanay ka muuqan wax dhibaato ah, xooluhuna waxay joogeen guryaha hareerahooda, haddana ma helin wax raad dadkii ku noolaa magaalada.
Qayb ka mid kooxda ayaa u qaatay in kooxdii mucaaridka ahayd ay laayeen dadkii magaalada oo dhan, haddana guryaha dhexdooda kumay arag qof keliya oo mayd ah oo dhex jiifa.
Magaalo kale oo u dhow ayay tegeen waxayna weydiiyeen bulshadii ku noolayd Soomoto, laakiin dadkii tuuladaasi wax war ah kamay  hayn dadkii degenaa Tuuladan.
Tuuladan caruurteedii, iyo dadkeedii waaweynaaba dib looma arag, ilaa maanta waa arrin aan cidina garanayn sida ay wax u dheceen iyo halka ay ku danbeeyeen oo u diiwaan gashan Qaramada Midoobay.

Leave a Reply