Dacwada arday la gubay sideetameeyadii

0
375

Garsoore reer Chile ah ayaa bilaabay in uu su’aalo waydiiyo todobo ruux oo horay millitari u ahaa, waxaa loo haystaa in ay dab qabadsiiyeen labo arday sideetameeyadii.

Markaas waxaa dalkaasi ka talinayay General Augusto Pinochet.
Ragaas oo la xiray talaadadii waxaa lala xiriiriyay in ay ka qaybqaateen gubidda labo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Rodrigo Rojas oo 19 jir ah iyo Carmen Quintana oo 18 jir ah.
Labadaasi dhalinyarada ah waxaa gaas lagu bilbilay oo la gubay bishii 7 ee sanadkii 1986 markaas oo ay ka qaybqaadanayeen mudaaharaad wadooyinka laisugu soo baxay.
Rodrigo waxuu u dhintay gubashadaasi afar maalmood kaddib, Carmen ayaase ka badbaaday inkasta oo ay sanado badan ku qaatay in uu si dhamaystiran u caafimaado.
Askari kale ayaa ku makhraati furay bishii 11 ee sanadkii hore, wuxuu sheegay in askartaasi ay dambigan gaysteen arrintaas ayaa daboolka ka fayday dhacdadan oo ay millitarigu ka aamusnaayeen sodomeeyo sano.
Waxa ay noqonaysaa kiisaska ugu caansan ee xuquuqda aadanaha la xiriira ee dalka Chile ka dhacay 17 sano oo ay millitarigu xukunka hayeen.

Leave a Reply