Hargeysa(Dawan):- Suldaan Maxamuud Cali Buraalle, oo ka mid ah salaadiinta gobolka Sanaag oo shalay warbaahinta la hadlay Hargaysa ayaa wax aan loo baahnayn ku tilmaamay shirka wada tashiga qaran ee ay ku baaqeen is-baahaysiga mucaaridku.
Suldaan Buraalle waxa uu sheegay, in aanay Somaliland xiligan u baahnayn shirar iyo in buuq la geliyo, isla markaana ay Somaliland ka soo gudubtay shir beeleedyaddii.
Suldaan Maxamuud Cali, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay waxaanu idiin haynaa cod iyo tageerro, ee col iyo rabesh idiinma hayno buuq iyo rabash dalka ka dhacana looma baahna,”Ayuu yidhin Suldaan Buraalle.
Suldaanku isaga oo hadalkiisa sii watay waxaa uu intaas daray “Waxaan leeyahay qollada madasha, waa qoor weynta Somaliland, qoor weyntuna dagaalkii dib u xoreynta ayey hoggaaminayeen in ay ka bur-burinta dalkana hor kacdo ma aha ama lagu sawiro oo ay ku muuqato waxaanan leeyahay tallaabadda aad qaadaysaan ma fiicna.”
Dawannews Hargeysa office