Tartanka Calforinya ee Foolxumada

0
597

Dacalada dunida waxa ka dhaca qisas iyo dhacdooyin yaab leh. Dalka Maraykanka gobolka Califorinya ayaa lagu qabtay tartanka Eyga u foosha xun.  Tartankan aya alagu bixinayay abaalmarino. Haddaba Eyga lagu magacaabo Kouassi Modou oo da’diisa tahay 10 sano iyo ninkii watay ayaa ku guulaystay abaalamrinta Eyga ugu foosha xun duinda. Waxaana la siiyay  lacag dhan 1500 doller.
Tartankan oo dhex maray 25 Ey  ayay garsoorayaasha tartanku eegayeen ceebaha abuur ee uu leeyahay Ey kasta. Eygan Kouassi Modou ayaa ahaa mid debecsan oo ku noolaa xerada xayawaanka ee Florida markii uu halkaasi ka qaatay dhakhtar  xoolaha ahi sida lagu daabacay websiteka tartanka oo soo bandhigay Ey kasta oo tartanka ka qayb gelayay taariikh nololeedkiisa.
Eygan ayaa tartanka ku guulaystay iyadoo loo eegayay cilladaha lagu dhasho ee aan ku iman dhaawacyo iyo jugo ku dhaca, Eygani ay lafdhabarta naafo ka ah una muuqda inuu yahay mid tuur leh.
Dhinaca kalena Wargeyska Newyork Times ayaa daabacay in tababaraha Eyda ee lagu magacaabo Harison Brasar uu iibinayo Ey Jarmal ah oo ka mid ah nooc ilaalinta ku fiican laguna magacaabo Julia, waxaana uu sheegay inuu Eygaasi siin doono lacag 230 kun oo doller.  Sidaasi ayay dunida u kala duwan tahay, qiimahaasi waxa la siinayaa waa Ey caadi oo la mid ah Eyda dalkeena ku nool.
 

Leave a Reply