By: Warbixin Khadar Cabdi Muuse
Hargaysa (Dawan): xaalad Abaareed oo ba’an ayaa laga soo sheegayaa goboladda Galbeedka ee Somaliland, taasi oo si aad ah u saamaysay dadka iyo duunyadda iyoo ay sidoo kale jirto biyo la’aan baahsan, isla markaana degaamadda qaar laga bilaabay biyo-dhaamis.
Goboladda kala ah Awdal, Gabiley iyo Selel oo ay baaxadda abaartaasi si weyn uga jirto ayaa la sheegay inay meel aad u daran marayso xiligan, iyadoo ay goboladaasi soo raacaan degaamadda dhinaca woqooyi ee gobolka Maroodi Jeex. Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramax), oo aanu xalay telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay magaaladda Boorama ayaanu wax ka waydiinay baaxadda abaartaasi.
Waxaanu yidhi “Abaar ba’an ayaa ka taagan gobolkani, culimadda masaajidadda waxaanu amarnay in la akhriyo salaadaha ducadii Qunuudka ee roob-doonta, oo ILLAAHAY roob la waydiisto, cid wax la waydiisto ILLAAHAY ayaa ugu dhaw”.
Wuxuu sheegay in aanay weli jirin xoolo iyo dad la soo sheegay in ay u dhinteen abaaarta, hase yeeshee ay baaxadda abaartu aad u baahsan tahay,isagoo xusay in abaartu ay tahay mid saddex jirsatay, isla markaana aanu sanadkani jirin wax dalag ah oo la filayo inuu beeraha ka soo go’o. “Ma odhan karo, heerka abaarta ilaa hadda dhimasho ayaa jirta, dadka iyo xoolaha midna. Hase yeeshee Harraad ba’an ayaa jira, abaarta marka aan ka waramo abaar baaxad leh ayaa jirta, waana abaar 3-jirsatay. Maanta dalag beereed oo laga filayo in gobolkani uu ka soo go’o beeraha haba yaraatee ma jirto” ayuu yidhi Ramaax.
Waxa kale oo uu sheegay Ramaax, in guddoomiye ku xigeenka hay’adda Aafooyinka Somaliland uu soo gaadhay magaaladda Boorama, isla markaana la filayo in maalmaha soo socda ay u soo diraan gobolka Awdal koox ka soocta hay’adda Aafooyinka si ay u soo qiimeeyaan baaxaadda abaarta.
Waxaanu yidhi “Guddoomiye ku xigeenkii hay’adda Aafooyinka dabiiciga ah ayaa noo yimid, koox ayay soo dirayaan, qiimaysa heerka abaarta iyo saamaynta ay bulshadda ku yeelatay, abaartaasi waa mid xoog badan. Ilaa iyo hadda baar xoog leh way na haysaa, oo xoolaha iyo dadkaba laga dareemayo, laakiin ilaa hadda wax dhimasho ah ma hayno. Laakiin abaar iyo biyo la’aanba way jiraan, degaamadda qaar biyo-dhaamis ayaa ka bilaabmay”.
Sidoo kale badhasaabka gobolka Selel, C/rasaaq Waaberi Rooble, oo aanu isna xalay telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in abaar balaadhan ay ka jirto guud ahaanba degaamadda hoos yimaadda gobolkaasi, isla markaana ay hadda xooluhu aad u liitaan oo ay ku dhaw yihiin in ay dhintaan.
Waxaanu tilmaamay in aanu weli jirin wax gurmad ah oo soo gaadhay dadka degaanka gobolka Selel, oo uga yimid dhinaca xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah midnaba. Waxaanu yidhi “Way balaadhan tahay abaartu, waanay haysataa dhamaanba gobolka guud ahaanba sida uu u dhan yahay gobolkani way ka jirtaa abaartu, waxaad moodaa in wixii hadda ka danbeeya ay dhimashadda xooluhu bilaabanayso, dadkuna xoolaha ayay ku nool yihin, haddii ay xooluhu dhintaana dadku wax ay cunaan ma helayaan. Wax gurmad ah oo ay heleena ma jirto, waxaanu doonaynaa dhawaan in aanu soo eegno oo soo duubno abaarta iyo baaxadeedda iyo nooca ay tahay, abaartani waa nooc aan weli la arag ayaa meesha ka taagan”.
C /rasaaq Waaberi Rooble, waxa kale oo uu sheegay in abaartani ay sababtay roobabkii gu’ga iyo xayska ee xeebaha ka di’I jiray oo aan sanadahan ka jirin degaankaasi.
“Abaartani waxa sababay waa roob la’aan iyadoo aanay kal hore roobabkii xalaysku ka di’in gobolka, gu’giina sanadka kama di’in waa taa arrinta abaarta keentay. Weli ma hayno, wax gurmad ah, hay’adaha iyo xukuumadda midnaba anagu xagayaga dhawaan in aanu iclaan samayno ayaanu doonaynaa, oo aanu baaxadda abaarta gaadhsiino dawladda iyo hay’adahaba, oo aanu u baaqno iyo cid kasta oo danaysa wax u qabashadda umadda. markaa baaxadda abaartu way balaadhan tahay, gurmad degdeg ahna waa loo baahan yahay” ayuu yidhi C/rasaaq Waaberi.
Dhinaca kale gobolka Gabiley ayaa isna ka mid ah goboladda ay sida weyn u saamaysay abaaarta, ka taagan goboladda galbeedka ee Somaliland, kaasi oo la sheegay in xoolaha iyo dadkaba ay taabatay abaartu, iyadoo dhinaca dadka beeralayda ahi ay ka dayriyeen Dalagyadii beeraha oo aanay sanadkani waxba uga soo baxaynin.
Maamulka gobolka Gabiley gaar ahaana badhasaab ku xigeenka Gabiley Cali Case, oo aanu xalay dhawr jeer isku daynay in aanu wax ka waydiino xaaladda abaarta ee gobolkaasi ayaanay noo suurtogalin, telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaadi wayay awgeed, maadaama oo uu badhasaabkii gobolku safar ugu maqan yahay gobolka Sanaag. Hase yeeshee sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool degaamadda gobolka Gabiley oo aanu la xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyay in abaartu ay ka jirto dhamaanba degaamadda gobolka Gabiley, inkasta oo aanay biyo la’aani ka jirin, balse in aanay roobabkii gu’ga oo aan ka di’in sanadkan awgeed ay abaartu taabatay dadka iyo duunyadaba. Taasi oo sababtay in aanay jirin wax dalagyo ah oo la filayo in ay ka soo go’aan beeraha.