Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn………QEYBTA 22 AAD

0
362

QEYBTA 22 AAD
 
Dalalka Barriga Afrika oo ay ka mid yihiin Kiiniya, Ugaandha, Tansaaniya ,Burundi iyo kuwa kale oo badan oo ku yaal Gobolkan, waxa laga isticmaalaa adeegga telefoonka gacanta, hase ahaatee waxa ay dhammaantood ku xidhan yihiin oo si toos ah u wada shaqeeyaan Bangiyada dhexe ee dalalkaas.
 
Waana waxa looga baahan yahay maanta shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka shaqeysta adeegyada Mobile money, waxa waajib ku ah inay raacaan nidaamka iyo xeerarka maamul ee loo dejiyey. Waxay ay arrintan fulinteedu door weyn ka ciyaari lahayd xakamaynta sicir-bararka ina aafeeyey ee ka dhashay adeegga  Zaad  oo sida uu ku shaqeeyaa tahay, mid bilaa xuduud ah. Maadaama aanay jirin dhinac labaad oo kale oo wax la kantaroola. Sidoo kale Baanka Dhexe ee JSL, ayaa isna ah mid ku dhaliillan wax ka qabasho la’aanta qiime dhaca shillinka Somaliland iyo sicir-bararka saameeyey nolosha  bulshadda. Baanka Dhexe waxa uu u taagan yahay ee loo aasaasay inuu ilaaliyo, kantaroolo lana socdo dhaqdhaqaaqyadda  lacagaha, cid allaale iyo ciddii kale ee gacmaha kula jirta ka ganacsiga lacagtana ay iyaga hoos yimaadaan, kuna dhaqaan xeerarkooda.
Tusaale haddii aan soo qaadano dalalka Bariga Afrika waxa ka ganacsada adeega Mobile money  Shirkado tiradoodu gaadhayso 24, iyadoo uu adeeggii ugu horreeyey ee adeegga mobile money ka hirgalay dalka Kiiniya sannadkii 2007, kaasoo looga yaqaan dalkaas M-pesa. Dalka Kiiniya oo kaliya waxa sida uu faafiyey Baanka Dhexe ee Kiiniya ka diiwaangashan dad tiradoodu dhan tahay in ka badan afar iyo labaatan Milyan oo qof ilaa lix shirkadood oo kala ah Safaricom oo ah M-pesa, Airtel money, Yucash, Orange money, Mobikash iyo Tangaza pesa.
 
Xogahaa kale ee Baanka Dhexe ee Kiiniya waxa ka mid ah inay dalkaasi ka jiraan wakiillo la shaqeeya shirkadahaa lixda ah oo tiradoodu gaadhayso boqol iyo toddoba iyo labaatan kun oo wakiil, kuwaas oo ku kala baahsan guud ahaan dalkaas, waxayna wadaagaan  hal shabakad oo isku xidha dhammaantood, isla markaana la wadaago Baanku. Hawsha  dhinaca isku xidhka, la socodka iyo ururinta xogahaba waxa gacanta ku haya Baanka Dhexe, isaga ayaana leh awoodda dhaqdhaqaaqa ee lacagaha oo dhan, isagoo mar walba ka eegaya sidii uu u ilaalin lahaa qiimaha shillinkooda iyo siday u xakamayn lahaayeen wax allaale wixii sicir-barar ka dhallan karo.
Waxa kale oo Baanka Dhexe uu masuul ka yahay inuu ka shaqeeyo sidii ay u soo mari lahaayeen Baanka dhammaan wixii lacago adag ah, iyadoo cid kastaana si waafaqsan shuruucda Baanka ay ugala bixi karaan hadba wixii lacag adag ah ee ay u baahdaan. Si kastaba ha ahaatee nidaamka looga baahan yahay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waa kaa uu dhiggiisa Kiiniya kula shaqeeyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ku lug leh ka ganacsiga adeegyada Mobile money, si uu dalka uga badbaadiyo dhaqaale burbur ku yimaada.
Heer aan loo adkaysan karin ayuu maanta gaadhsiiyey dhaqaalaha dalka adeegga loo yaqaan ZAAD ee ah kan ugu badan ee bulshadda reer Somaliland u isticmaasho sidii Baananka oo kale, isla markaana si toos ah wax loogu kala iibsado, kaasoo maraya in xataa boqolka Doollar ee qof dibedda looga soo diraa uu ku dhaco jeebkooda , qofkiina uu lambarkii boqolkiisa Dollar lagaga beddeshay isna uu Lambar kaga iibsado ganacsatada hadba wuxuu uga baahdo ee ay u gaadho. Sidaa markay xaaladdu isku beddeshay waxa meesha ka baxay lacagtii adkayd ee soo geli jirtay qofka gacantiisa ee uu suuqa wax kaga iibsan jiray, taasoo ahayd ta ku dhex wareegaysay seyladaha sarrifka ee lacagaha iyo ta suuqyada ganacsigaba, hase ahaatee haatan waxa ay lacagta adag ee dalka ka soo gasha dibad iyo gudaba ku dhacday hal gacan oo ah ta Telesom, waana iyada mida awoodda u leh kantaroolka suuqyada lacagta.
 
LA SOCO……………..

Leave a Reply