Barmuuda Ma Jimanbaa Ku Deggan?

0
563

Inkasta oo aanay dad badani aaminsanayn wararka laga sheego saddex xagalka Barmuuda ee ku yalla badweynta Atlantiga, haddana waxa ka dhacaya arriimo badan oo yaab leh.
Bishii March 13 , sanadkii 1918 Markab weyn oo siday ciidamada Maraykanka laguna magacaabi jiray Alsikolobo aya lagu waayay sabab la’aan, ilaa maanta lama garanayo halka uu ciidaankaasi raq iyo ruux ku danbeeyay.
Waxaana Marakabku ka mid ah kuwa ugu waaweyn maraakiibta dalkaasi iyadoo weliba wakhtiga la waayay aanay jirin duruufo dhinaca hawada oo xumaaday ama badda oo kacsan oo sababi karaysay inuu Markabku qarqoomo.
Waxase yaab ku riday dawladda Maraykanka markii laba toddobaad ka dib la helay Markabkii oo aan wax dhibaato ahi soo gaadhiin, laakiin askartii saarayd lagama helin dusheeda iyo agagarkeed xataa maydkoodii. Markabkan markii la baadhay may jirin wax cilad ah oo ku dhacay.
Waxa kale oo la is waydiiyay sababta uu kabtanku Markabku xidhiidh ula soo samayn waayay saldhiga iyo xarumaha uu ka tegay si loogu soo guramdo haddii dhibaato haysato.
Waxa kale oo jirtay in dhaman shaqaalihii kale ee la socdayna aanay soo codsan wax gargaar ah iyo inay dhibaato ku habsatay. Waana arrin ila maanta aanay war u hayn halka ay ku danbeeyeen ciidamadaasi ka dib helidii Markabka dawladda Maraykanka.

Leave a Reply