Astaamaha Adoomada Wanaagsan Ee Dhulka Dushiisa Jooga

0
461

Astaamaha Allaha (sw) ku sifeeyay adoomada wanaagsan ayay ka mid yihiin kuwan soo socda:
1- Addoomada Allaha Raxmaanka ah waa kuwa Dhulka ugu Socda Xasillooni, waana kuwa markey Jahilinta Aflagaadeyaan aan la Murmin kana Xanaaqin, isla markaana yidhaahda Nabad galyo, Nabad galyo.
2- Waa kuwa habeenkii Qiyamu Leyl tukada, Baryana Eebahood oo aan Habeenki seexan inyar mooye.
3- Waa kuwa markasta Xasuusan Cadaabka Jahnama, kana Magangala Allah (SW), maxaa yeelay waxey Og yihin in Jahanmo Qofki gala inuu Halaagsamay.
4- Waa kuwa markey Wax Bixiyaan ka murugoon Istus-tusna aan u bixin Sadaqada.
5- Waa kuwa Allah aan u Shariik yeelin, Naf Allah xaaraan ka dhigay dilkeeda aan dilayn, Sinadana ka Dheerada.
6- Waa kuwa markii Aayadka Eebe lagu Dul Akhriyo Khushuuca,oo u ilmanaya Cabsi Allaha (sw) Darteed.
7- Waana kuwa ku Ducaysta inuu Rabi xaasaskooda iyo caruurtoodaba uga yeelo indho doogsi kuna Ducaysta in Allah kuwa wanaagsan madax uga dhigo.
Waxaana Allah (sw) u Balan qaaday  kuwa sifooyinkaasi leh Jano samirkooda awgeed, iyagoo janadaasi ku waari doona.
 
 

Leave a Reply