Somaliland Way Soo Dhaaftay Xilligii Qoriga iyo Qab-qableyaasha

0
606

Waxaan jeclaystay inaan ka hadlo    waraysi uu dhawaan saxafadda  siiyay Ibraahiin Dheg-weyne,   kaasi  oo  aad moodaysay in Ibraahim  uu bulshadda Somaliland  soo  xasuusinayo  wakhtiyo hore dagaaladii sokeeye.
 
Haddaba,  waxa uu  Ibraahim  Dhego-wayne  hilmaamay in qarankani  Somaliland uu  maanta dhaafay xiligii  Qab-qablaha  dagaalka ee uu   Ibraahim  hor  boodi jirey,  kooxihii  arxanlaaweyaasha ahaa  ee ummadda  Somaliland dhibaatadda ba’an soo mariyay,  kuwaasi oo  dad iyo duunyaba aan kala reebin.  Iyagoo  ummadda Somaliland  Qabiil-qabiil isagga hor keenay  iyaga oo  dano siyaasadeed iyo mid shaqsiba ka leh.
 
Kuwaasi  oo  ah Niman uu  ka mid yahay Ibraahim Dhega-weyne oo  ku adeegta Magaca SNM  ay Somaliland  ka degi  wayday  sanadihii  Sagaashamaadkii,  kuwaasi oo isu qaybiyey magacyadda beello aan jirin  si ay shacabka Somaliland indho-sarcaad ugu dhigaan.  iyagoo  dagaal gelinayay  dad wax ma garato  ah oo  iska soo horjeeday.  Kuwaasi  oo aan ilaa maanta la garanaynin   sababta ay isku dileen  iyo ujeedadda  ka danbaysay  dhimashadda kumanaan kun  oo qof iyo bur burka hanti fara badan.
 
Iyadoo   quluubta shacabka Somaliland ay ku suntan tahay kooxaha arxan laaweyaasha ah iyo dhibaatada ay dadka u gaysteen  ayaa   waxa  aad war baahinta ku arkaysaa,   Niman ku guuldaraystay  saaxadda siyaasadda iyo mida nooloshaba.  Kuwaasi  oo maalin kasta bulshada la dhex taagan qas iyo jahawareer ku lidi ah noolosha shacabkan imika uun   ka soo  doogay  waxyeeladii  ay gaadhsiiyeen Dhega-wayne iyo saaxiibadii.  Kuwaasi  oo  ah boog shacabka Somaliland ku taalla,  oo  ay ka bogsadeen.
 
Haddaba,  waxaanu  Dhega-wayne tiradda  ku darsan in la dhaafay xiligii  dagaalka iyo qab-qabluhu ka shaqayn jiray  dhulka Somaliland  iyo  shacabkiisa kuwaasi oo ka koray Hagardaamo danbe oo  ay u maleegaan Dhega-wayne iyo  kooxdiisu.   Iyagoo in badan isku deyay y in ay dalka Somaliland  dhibaato ka ridaan. laakiin ku guuleysan waayay taasi oo ay ugu danbaysay  markii  kooxda  Dhego-wayne  ay baaruurtooda  kurka ka jareen  Qoryana ku rakibaan magaladda  Burco wakhtigii  dawladii  ina Rayaale.  Markaas oo ciidanka Amaanku Gacan Adag ku Qabteen.
 
 
 
 
waxaan  Dhega-wayne iyo Kooxdiisa u sheegaynaa  in maanta Somaliland dhaaftay xiligaas oo ay leedahay Ciidan ku filan ilaalinta Amniga oo  si casriya u tababaran   iyo dhalinyaradii  oo  caqliga ka kortay,  dhamaanba waxbarasho jaamacadeed u dareerta halka qaarkood ay soo dhamaysteen  waxbarashadda  jaamacadaha kala duwan.
Haddaba  saaxiib Ibraahinoow,  hanagu habsaamin  waanu ka gudubnay wakhtigaas   aad weli adigu taagan tahay.  ALLAA  mahad leh
Hagar Maxamed
Hargeysa
 
 

Leave a Reply