Maxaad Ka Taqaanaa 10 Hub Ee Caalamka Soo Maray ,Illaa Haddana Aan Laga Maarmin ?

0
493

6: Karl-Gerät:waa mid kamid ah hubkii ay caanka ku ahaayeen ciidamada dalkaasi Jarmalku,waxaanu kamid ahaa madaafiicdii ay ciidamadu aadka u adeegsan jireen waqtiyadii lagu jiray dagaaladii kala duwanaa ee dalkaasi uu soo galay,waxaanu dalkaasi aad u isticmaalay hubkan intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka oo uu ciidamo badan ku jebiyey.
7: Maxim Machine Gun:waa qori laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska,waxaana loo sameeyey sida qoriga gacanta lagu qaato ee sil silada leh,isaga oo kaga duwan laba shaag oo bir ah oo uu lee yahay qorigani.
Qorigani waa madficii ugu horeeyey ee rasaas leh ee lagu dagaalamo ciidamona isticmaalaan caalamka ,intii taariikhda lagu hayo,waxaanu ahaa mid ay aad ugu dagaalami jireen ciidamada Ingiriisku.
8: The Tsar Cannon:waa qori ay lahaayeen ciidamada Wadanka Ruushku,waana qori aad ay caan ugu ahaayeen,waxa lasoo saaray dagaalo kala duwana lagu soo galay qarnigii lix iyo tobnaad (qarnigii 16-naad),waxaana qorigan lagu galay dagaalo badan,iyada oo ilaa maanta la isticmaalo isaga oo casri ah kana fudud sidii hore.
9: FOAB:hubkani waa mid caan ka ahaa dalkaasi Ruushka oo lagu sameeyey laguna samayn jiray,waa hub isna ay ciidamada dalkaasi isticmaali jireen,waxaanay yidhaahdaan khubarada hubku ,waxay ahayd qunbuladani mid casri ahayd waqtigaasi,una dhigmaysay hubka sida ba’an wax u gumaada ,marka laga reebo  Nuclear-ka,kaas oo sababi jiray khasaare badan .
10: Nimitz Aircraft Carrier:kani waa markab xambaari jiray waqtiyadii hore diyaaradaha ,waxa saarnaan jiray qoryo yar yar oo aan aad u waaweynayn,laakiin maanta waxa uu ka mid yahay hubka la casriyeeyey ,waxaana la saaraa diiyaarado,ciidamo tiro badan iyo qoryo waaweyn oo ku rakiban markabkaasi,waana mid isaga goosha dunnida dacaladeeda meeshii loo baahdoba,waxa kale oo uu xambaari karaa madaxyo kamida hubka sida xun wax u gumaada ee Nuclear-ka.
 
 
 
 

Leave a Reply